Madaxweyne Muuse Biixi oo Golaha Wakiillada Dib Ugu Celiyey Masuuliyiin Ansixintooda Laga Diiday

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ku gacan-saydhay ansixinta masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, kuwaas oo isugu jira wasiirro iyo Wasiir ku-xigeenno la sheegay inay dhaafeen muddadii loogu tala-galay inuu Goluhu ansixiyo.

Qodobbada khuseeya arrintan ee ee Dastuurka Somaliland ayaa dhigaya in madaxweynuhu muddo 90 maalmood gudahood ah  Golaha Wakiillada ugu gudbiyo Wasiirrada iyo Wasiir ku-xigeennada uu magacaabo si Golaha Wakiillada oo ku fadhiya codka shacabka ay u oggolaadaan ama u diidaan ansixinta masuulka madaxweynuhu magacaabay.

madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Haddaba, Golaha Wakiillada oo ka duulaya qodobkaas, ayaa dib ugu celiyey madaxtooyada qaar ka mid ah Masuuliyiin madaxweynuhu magacaabay Afartii bilood ee ugu dambeeyey oo uu dhawaan u gudbiyey Golaha. Masuuliyiintan qaarkood ayaa buuxiyey shuruudaha, kuwaas oo goluhu ka reebay liiska masuuliyiinta dib loogu celiyey madaxweynaha.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay in Golaha Wakiillada oo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga dalka ay madaxweynaha dib ugu celiyeen qaar ka mid ah masuuliyiin uu u soo gudbiyey si ay u ansixiyaan.

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay inay madaxweynaha ka sugayaan inuu dib u soo magacaabo masuuliyiintii hore ama uu xilalkooda masuuliyiin cusub u magacaabo si ay Gole ahaan waajibaadkooda sharci uga gutaan ansixintooda.

“Waa Mas’uuliyiin 14 ah oo madaxweynuhu magacaabay 2-dii bishi 9-aad. Si kastaba ha u dhacdee, waxaanu ogaannay 13-kii bishii 12aad inay muddo-dhaafeen. Marki aan la tashannay golayaasha xagga sharciga annaga oo shuruucda dalka ixtiraamayna, waxaan go’aansannay in madaxweynaha dib loogu celiyo, wuxuuna xaq u leeyahay inuu dib u soo magacaabo xubnaha ama uu baddelo,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Khaliif oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxaanu intaas ku daray, “Intii waafaqday waxaan u gudbinnay guddiyadi xaqa u leh.”

Dhinaca kale, wararka ay heshay warbaahinta Somalilandpost, ayaa sheegay in madaxweynuhu isla maanta dib ugu gudbiyey Golaha digreeto uu dib ugu magacaabay masuuliyiinta la sheegay inay ku muddo-dhaafeen xilalka ay hayaan.

Golaha Wakillada Somaliland oo gudo-jira kalfadhigooda labaad tan iyo markii ay xilka la wareegeen bishii 8aad ee Sannadkan, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ansixiyaan masuuliyiinta uu madaxweyne Muuse Biixi magacaabay.

Arrintan ayaa noqonaysa markii u horeysay Somaliland ee Golaha Wakiilladu dib ugu celiyo madaxtooyada wasiirro iyo masuuliyiin ku muddo-dhaafay xilalka loo magacaabay iyadoo aan ansixintooda loo gudbin Golaha Wakiillada, taas oo madaxweynuhu aqbalay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net