Madaxweyne Muuse Biixi oo Booqasho ugu tagay Abwaan Hadraawi iyo Laba Hotel oo Hargeysa ku yaalla

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta guriga uu ka deggen yahay magaalada Hargeysa ku booqday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo kamid ah abwaannada ugu caansan guud ahaanba geyiga ay ku dhaqan tahay bulshada Afka Soomaaliga ku hadashaa.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda, waxa ay booqasho salaan ah ugu tageen Abwaan Hadraawi oo muddooyinkii u dambeeyey la tacaalayey xaalad caafimaad.

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu booqday huteellada Ambassador iyo Casood, waxana uu shaah iyo salaan la wadaagay shacab tiro badan oo farxadda ciidda halkaas ku qaadanayey, kuwaas oo ku farxay inuu madaxweynahoodu halkaas ugu tegay.