Madaxweyne, Mustafe Shiine Ma Waxaad Gabiley Ugu Magacawdey Casuumadaha Reer London? – W/Q: Mukhtaar Cabdilaahi

mustafe shiine
BADHASAABKA GABILEY

Badhasaabka gobolka gabiley musftafe cabdi ciise shiine ayaa tan iyo maalintii uu xilka la wareegay waxuu noqdey waxqabadkiisa kaliya ee ilaa maanta laga hayaa casuumado uu u fidinayo qurbe joogta dalka uk gaar ahaan magaalada london iyo dad kale oo uu iska dhaadhicinayo amaba  uu isku barayo.

Xiligaa uu gudoomiye mustafe shiine ku mashquulsan yahay casuumadaha ayaa ah wakhti ay abaaro ka jiraan qaar ka mid ah deegaanada gabiley.

Arintan ayaa mudooyinkanba la yaab ku noqotay dadweynaha reer gabiley oo  bilowgii hore aqoon la,aan ka haysay gudoomiye mustafe shiine awgeed  markii la soo magacaabay filayay inuu  ka duwanaan doono badhasaabadii hore maadaama uu yahay nin dhalinyar ah isla markaana waxqabad ku soo kordhin doono gobolka . Has ahaatee  rajadaasi ayaa soo gudhay haatan kadib markii waxqabadkii mustafe shiine noqdey casuumado uu u fidinayo dad reer london ah oo hab yaraatee  waxba waligood tarin dadka iyo dalka somaliland ileyn hadii cid qiime ku leh dalka somaliland uun uu casuumayo waxba may noqoteene taasina waa ta keentay in dadwaynaha gabiley u bixiyaan mustafe shiine naanaysta ah badhasabkii casuumadaha iyo  mustafe guul-wade

gebogebada nin baa laga hayay soomaaliyeed walleee hadaan kadinkaa laga guurin halkaa goronyo heeryaysana way inoogu iman  gabileyna iyadaa halkaasi is dhigtoo waa ceelkii usha lagu dayayoo kolba cida la carbinayo waa gobolka lagu soo carbiyee waxaan madaxweynaha somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo waydiinayaa madaxweyne mustafe shiine ma waxaad gabiley ugu magacawdey  casuumadaha reer london?

MUKHTAR ABDILLAHI NOOR

OTTOWA, CANADA