Madaxweyne ku-xigeenkii hore Puntland oo lagu Riday Xukun aan hore loogu Ridin Siyaasiyiinta Soomaalida

samadTaleex (SLpost)- Shir nabadeed toddobaadkii u dambeeyey ka socday Waqooyiga degmada Taleex ee gobolka Xaysimo, ayaa go’aan Maxkamadeed oo Culimo gacanta ku haysay ay kaga dhawaaqeen Jimcihii shalay.

Waxaana halkaas lagu xukumay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Ciidamo uu watay oo dabayaaqadii sannadkii 2013-kii hawlgallo dhimasho, dhaawac iyo Barakac badan sababay oo ka dhacay degmada Taleex iyo nawaaxigeeda sameeyey.

Maxkamaddan Culimada ee dhawaanahan ba ka socotay duleedka Taleex, waxa Sheekha gacanta ku hayey uu ku dhawaaqay inay Maxkamadda Culimadu go’aamisay in dadkii ku dhintay, dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii kale ee ku dhibaatoobay Taleex wax allaala wixii soo gaadhay uu Masuul ka yahay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire iyo Ciidanka uu watay, isla markaana cid kale oo laga doonayaa jirin ee isaga laga rabo, halka uu isu dhaafinayo iyo cidda kula jirtayba.

HALKAN KA DAAWO