Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka FIFA Oo Mareykanku Maxkamad Horgeeyay

New York, (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee xidhiidhka kubadda cagta dunida ee FIFA, Jeffrey Webb, ayaa diiday inuu dembi musuqmaasuq galay.FIFA v. president

Waxa uu sidaasi ka sheegay mar la horgeeyay maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Waxa lagu siideynayaa lacag dhigaal ah, umana u safri karo in ka badan 32 kilomitir meel u jirta Maxkamadda.

Waxaana la sheegayaa in dhaqdhaqaaqiisa lala socon doono, oo qalab korkiisa lagu xidhayo.

Mr Webb ayaa dawladda Switzerland waxy todobaadkii hore ku wareejisay Mareykanka, waxaana loo haystaa inuu aqbalay in laaluush malaayiin doollar ah la siiyo, si uu arrimaha FIFA u iibsado.

Waxa uu ka mid yahay todobo xubnood oo FIFA ka mid ah oo bishii May Zurich lagu xidhay, kuwaas ooay baadhayaan FBI-da Mareykanku.

Lixda kale waxay ka dagaallamayaan in Mareykanka lagu wareejiyo si baadhitaanka musuqmaasuqu uu halkaasi uga sii socdo.