Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Ugu Sareeya Ee Hay’adda Care

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweyne  ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa  ugu sareeya  hay’ada care ama madaxweynaha Care Miss Michelle Nunn.DSC_0032

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  Md. Saylici waxa uu warbixin ka siiyey wafti ay hogaaminayso Nunn oo dalka safar shaqo ku yimid, xaalada dalku maraayo.

Halka Miss Michelle Nunn ay sheegtay in ay madaxa ka tahay ugu yaraan 90 dal balse ay iyadu doorbiday inay Somaliland ku horayso madaama ay ku cusub tahay xafiiska dhawaana la soo magacaabay, imaatinkayguna waxa uu I gelinayaa farxad dheeriya waayo in badan ayaan ku taamayey in aan indhaha ka soo qaado Jamhuuriyada somaliland. DSC_0041

Waxa kale oo ay sheegtay inay hay’adda care iyo Somaliland si wada-jira iskaga kaashanayaan ka shaqaynta iyo kor u qaadida arrimaha bini-aadannimida, waxbarashada, farsamada gacanta iyo tayeynta tayada macalimiinta gaar ahaan haweenka macalimiinta ah.

Geesta kalena madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inuu  soo dhaweynayo Miss Michelle Nunn iyo weftiga ay hogaaminayso.

madaxweyne ku-xigeenka ayaa xusay inay weftigan ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa hawlaha ay hay’adani dalka ka qabato, isla markaana loogu fudaydin lahaa dhamaan hawlaheeda, iyada oo la iskaashanayo hay’adda care iyo Somaliland.

Somaliandpost.netDSC_0110 DSC_0110(1)