Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Xadhigga ka Jaray Waddooyin Cusub oo laga hirgeliyey Degmooyin ka tirsan Hargeysa

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta xadhiga ka jaray Wadooyin Cusub oo ay dawlada hoose ka hirgalisay xaafado ka mid ah caasimada hargaysa.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur,Duqa Caasimada Hargaysa Inj Xuseen Maxamud Jiciir ayaa waddooyinka uu madaxweyne ku xigeenku xadhigga ka jaray waxa ay ku kala yaalaan Degmooyinka Ibraahin Koodbuur, Axmed Dhagax,Maxamud Haybe, Gacan Libaax iyo Maxamed Mooge waxaana dhismaha Waddooyinkani socdeen Mudo gaadhaysa Saddex bilood, iyadoo ay tiradoodu gaadhayso toban wado ,kuwaas oo qaarkood la dayactiray.

Maayarka Caasimada Hargaysa Inj Xuseen Maxamud Jiciir oo halkaasi ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay wadooyinkan oo dhamaantoodba laami ah,isagoo sheegay inay hirgalinta wadooyinkan iska kaashadeen dadweynaha ku nool degmooyinkaas iyo dawlada hoose.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale “Duur” ayaa dhiniciisa ka sheegay in waxqabadka ay hirgalisay dawlada hoose ay tahay arrin wax ku ool ah isla markaana qayb ka ah dadaalada dhinaca horumarka .

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo madashii xadhig ka jarista wadooyinkan hadal ka jeediyay ayaa amaan u soo jeediyay dawlada hoose iyo dadweynaha ku dhaqan degmooyinka laga hirgaliyay jidadkan Laamiga ah isagoo intaas ku daray in dawlada hoose ay taariikhda ku galayso waxqabadkan taabo galka ah ee ay suurto galiyeen,Isagoo intaas ku daray inay dhiirigelinayaan wax wada qabsiga oo ah in dadku dhismaha jidadka bixiyaan 40%, lixdanka kalena dawladaha hoose fuliso.

Somalilandpost.net