Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Xadhigga ka jaray Cusbitaalka Cusub oo laga hirgeliyey Galbeedka Caasimadda

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa, 31 March, 2012 (SLpost)- Madaxweyne ku  xigeenka  JSL  Md  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa maanta  xadhigga ka jaray  cusbitaal  cusub  oo laga  furay  galbeedka  magaalada  Hargeisa.

Munaasibadda Furitaanka Cusbitaalkan oo ay  kasoo qeyb galeen  wasiirada  warfaafinta  iyo  caafimaadka,  gauddoomiyaha xisbiga  Kulmiye,  xildhibaano ,  culimaa’udiin  iyo marti sharaf  kale,  ayaa waxa halkaasi  ka hadlay  madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Saylici oo ku  hambalyeeyey   muwaadinka  furay  cusbitaalka SHIFO  kaalinta iyo  waxtarka  uu u yeelan doono bulshada  Somaliland,  isagoo ugu baaqay  bulshada   in ay  adeegyada  cusbitaalkaasi bixin doono  ay  kaga maarmi doonaan  howlihii  caafimaad ee ay  dalka  dibaddiisa u  tagi jireen  dadku,  waxaanu intaasi ku daray in xukuumad ahaan ay  dhiirigalinayaan  cusbitaalada  gaarka ah.

Wasiirka  warfaafinta  Cabdi Yuusuf  Ducaale  oo halkasi isna ka hadlay   ayaa ku dheeraaday  qiimaha ay   muwaadinka hirgaliyey  cusbitaalkan   uu ugu fadhiyo  dalka,  kuna  amaanay  dadaalka  uu la yimi.

Waxa   sidoo kale  halkaa ka hadlay  wasiirka  caafimaadka  Dr  Xuseen  Xoog  oo sheegay  in Dr  Cali Axmed  uu waxbadan  kala  qabtay  kicinta machine-ka  kalyaha sifeeya  ee cusbitaalka  guud oo dhawaan si  rasmi ah  u  shaqeyn doona.

Guddoomiyaha xisbiga  Kulmiya  Muuse  Biixi Cabdi   oo madashaasi ka hadlay  ayaa ka waramay  taariikhda  muwaadinka  cusbitaalka   dhisay, dhiiri galin iyo  amaana  u soo jeediyey.

Gebogabadii waxa  munaasibaddaasi  hadal kooban  ka soo jeediyey  mulkiilaha cusbitaalka  Shifo  Dr  Cali Axmed oo ka waramay  taariikhdii uu soo maray  fikirka iyo hindisaha  cusbitaalka  maanta  la furay.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland