Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo tabobar muddo laba sanno ah socday u soo xidhay 1100 Macalin

Hargeysa (SLpost)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta tabobar muddo laba sanno socday u soo gabogabeeyey kun iyo boqol macalin oo ka kala socday jaamacadaha goboladda iyo dugsiyadda H/dhexe iyo sarre ee Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Saylici oo halkaa ka hadlayey waxa uu sheegay inuu macallinku yahay kii dhaqanka iyo aqoonta kor u qaadeyey, waxaanu u mahadnaqay cid walba oo gacan ka gaysatay. Isagoo sidoo oo kalena macaliminta tabobarka dhammaystay ku tilmaamay howlwadeeno ay saarantahay masuuliyad qaran oo looga fadhiyo inay tayada ardayda iyo waxbarashadaba hagaajiyaan.

Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), wuxuu xukuumadd ahaan ballanqaaday in nolosha macalliminta ay daryeelayaan. Madaxweyne Saylici waxa uu sheegay inay sannadkii hore ee 2011 la shaqalaysiiyeen 2000 kun oo macalin halka sannadkan 2012  uu xusay inay shaqalaysiinayaan 560 macallin.

SLpost News/Hargeysa