Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo soo guryo-noqday, kana warramay socdaal uu todobaad dalka kaga maqnaa

Berbera (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dalka ku soo guryo noqday, kadib markii uu muddo todobaad ah safar ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaanu ka warramay natiijada iyo waxa uga soo qabsoomay socdaalkaas.

Md Cabdiraxmaan-Saylici oo maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera,  ayaa mar uu saxaafada kula hadlayey garoonka waxa uu sheegay in safarkiisa uu ku tagay Imaaraadku ahaa mid nasasho ah, isla markaana shirkado kala duwan oo dalkaasi kala duwan shir la xidhiidha sidii ay horumarka dalka uga qayb qaadan lahaayeen uu la yeeshay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa garoonka ku soo dhaweeyey wasiiro ka tirsan xukuumadda, Maamulka gobolka iyo Degmada Berbera iyo masuuliyiin kale.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net