Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Socdaal ujeeddooyin badan ugu ambo-baxay Magaalada Boorame

Boorame, (SLpost)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti ballaadhan oo uu Hoggaaminayay ayaa maanta socdaal shaqo ku tagay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

Weftiga  Madaxweyne Ku xigeenku  Hoggaaminayay Wefti  iskugu jiray Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda, Saraakiil ka tirsan Haa’yadaha dawlada iyo masuuliyiiin  kale, waxa uu saaka abbaaro 7:40 subaxnimo ka ambo baxay magaalada Hargeysa.

Weftiga waxa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Dilla halkaasi oo ay kaga horyimaadeen  Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Axmed Xadi Sidci , Maayarka Degmada Dilla Salaadiin Iyo Boqolaal qof oo ka mid ah bulshada degmada Dilla kuwaasi oo ruxayay caleemo qoyan. Calanka Somaliland kuna dhawaaqayay hal ku dhigyo  ay ka mid ahaayeen“Sinjigaad ka dhalatiyo Somaliland-baa kuu sacab tumaysee ku soo dhawoow salaan  wacan”, “Waa geesigii oo guul buu wadaa.”

Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa kale oo si weyn loogu soo dhaweeyay Tuullada Tulli Cagaaran , waxa kale oo weftiga si weyn loogu soo dhaweeyay Tuulada Gorayo-cawl  halkaasi oo uu  kaga horyimid  Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud, dib u dejinta iyo Duulista Hawada oo weftigan u sii gogol xaadhayay.

Waxa kale oo masuuliyiinta soo dhaweeyay ka mid ahaa Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Xildhibaano ka soo jeeda xisbiga UDUB oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali  Ayaanle. Weftigan Madaxweyne Ku xigeenka waxa u soo galbiyay magaalada Boorame gaadiid aad u badan.

Weftiga Madaxweyne Ku xigeenka waxa magaalada Boorame ku soo dhaweeyay Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha kuwaasi oo sufuuf u taagnaa jidka wadnaha ee badhtamaha magaalada Boorame, waxaanay siteen calamada Somaliland iyo caleemo qoyan waxaanay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayeen Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo saxaafada ugu waramayay Huteelka Rays ee magaalada  Boorame waxa uu  sheegay in socdaalkiisu salka ku hayo sidii uu xog ogogaal ugu noqon lahaa xaaladda guud ee gobolka. “Socdaalka weftigaygu waxa uu xidhiidhaa sidii aan ugu kuur geli lahayn xaalada guud ee gobolka Awdal gaar ahaan dhinacyada abaaraha, maamulka Ha’yadaha dawliga, waxa kale oo aan kulamo la yeelan doonaa Masuuliyiinta maamulka gobolka, laamaha dawlada iyo waxgaradka iyo salaadiinta gobolka Awdal si aanu u ogaano xaaladaha ka jira gobolka,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku. Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu sheegay in socdaalkiisa Gobolka Awdal uu qaadan doono muddo laba maalmood ah. Weftigan Madaxweyne Ku xigeenka saaka la socday waxa ka mid ahaa Wasiirka BeerahaMd. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle), Guddoomiye Ku Xigeenka NERAD Axmed Muxumed Geelle, Ergayga Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Haweenka Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan iyo Marwada labaad ee Somaliland Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan iyo xubno kale.

Socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka ee Gobolka Awdal ayaa ku soo beegmaya wakhti uu hore halkaas ugu sugan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo maalmahanba safar shaqo ku joogay gobolkaas.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com