Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo kulan la yeeshay wefti ka socda hay’ado QM u qaabilsan Miinada

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda hay’ad UNMAS & UNOPSMA oo ka tirsan Haya’addaha Qaramada Midoobay ee Somaliland ka caawiya Dhinaca Miinada, Hay’adan oo Dalka ka bilowday Hawlgalka Arrimaha Miinada Sannadkii 1999, ayaa  ujeedada socdaalkoodu ahaa inay soo kormeeraan mashaaricdii ay maal-geliyeen oo ay ka mid tahay hay’adda SMAC ee hawl-galka ku samaysay hay’addaha ka shaqeeya miinada & Police (EOD).

Waxa sidaas lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenku xubnaha weftiga uga mahadceliyey booqashadooda dalka, isaga oo ka codsaday sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada la xidhiidha arrimaha miinooyinka, waxaanu madaxweynuhu xusay khatarta ay miinadu leedahay iyo baahida ay dadkeenu u qabaan in laga sifeeyo gebi ahaanba dalka.

Kulanka Madaxweyne ku-xigeenka la yeeshay waxa ku wehelinayay Guddoomiyaha Hay’adda SMAC Dr. Axmed Cali Maax iyo Cismaan Siciid Jaamac oo la-taliye u ah madaxweyne-kuxgeenka.

Dhenka kale, Weftigan oo ka koobnaa shan xubnood waxa ay ka kala socdeen xafiisyada labada hay’adood ku leeyihiin magaalooyinka New York iyo Nairobi, waxaanay kala ahaayeen:

  1. 1.     Amy White – Hay’adda UNMAS xafiiskeeda New York
  2. 2.     Akiko Kobayakawa – UNOPS mine Action xafiiska New York
  3. 3.     Tammy Orr – UNMAS – Finance Officer, Nairobi
  4. 4.     Sabine Kania – UNMAS mine Finance Officer, Nairobi

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net