Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Kulan Burco kula yeeshay waxgaradka Togdheer

Burco, (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in loo baahan in la dardar galiyo hawlaha sahanminta shidaalka oo markale dib loo bilaabayo sannadka cusub, waxaanu shacabka gobolka Togdheer ku booriyay inay soo dhaweeyaan shirkada sahanminta shidaalka, islmarkaana noqdaan kuwo dawladdooda adeeca ammaankana kala shaqeeya.

Madaxweyne ku-xigeenka oo kulan xog-wareysi ah kula yeeshay maanta magaalada Burco qaybaha kala duwan ee bulshada ee gobolka Togdheer waxa uu xusay in khayraadka dalka ku duugan ay masuul ka tahay xukuumadda.

saylici111

“Shacab ahaan waxa laydinka rabaa inaad hawsha dhankiina ka qabataan wixii hore ee inaga dhacay khaladaad in mar dambe aanay dhicin, waxaynu u baahan nahay inaynu qaran noqono, haddaynu mar walba la soo taagno qabiil dee wadan noqonmayno, ummada caalamka inay ina ictiraafto ayaynu rabnaa, markaa hadaanu lasoo taagnaano warbaahinta anagoo reer hebel ah waxaas yeeli mayno waa nasiib darro” ayuu yidhi Md. Saylici waxaanu intaas ku daray, “Hantida dhulka ku duugan hadday ku talo Lowyo-cado iyo hadday Laas-qoray ku taalo waa hanti qaran masuuliyadiisa xukuumadda ayaa leh, waa in aynu isku sheegno oo shacabku noqdaa mid qarankiisa adeeca oo wixii loogu taliyo sameeya, wixii god-daloolooyinka xaga aminiga ah ee ay ka hadleena shirkadaha shidaalka sahminayay waanu ka wada hadalnay iyaga iyo kuwii kale aanu heshiisyada la galnay waxaanu rajeynaynaa sannadkan cusub inay hawsha bilaabaan.”

Waxgaradka, odoyaasha iyo dhalinyarada ee gobolka Togdheer, ayaa dhankooda Madaxweyne ku-xigeenka ugu soo bandhigeen duruufaha u gaarka ah gobolka sidoo kalena xukuumadda ku bogaadiyay mashaariicda horumarineed ee ka fulisay gobolka Togdheer gaar ahan magaalda Burco. Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo oo kulanka goob-joog ka ahaa ayaa ka markhaati kacay dhawaaqa bulshada reer Burco.

Somalilandpost.net

Burco