Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlay Masuuliyiinta Eedaha Musuq-maasuq u xidhan

Hargeysa, 10 March, 2012(SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka hadlay xadhiga loo geeystay masuuliyiin sarre oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland kuwaas oo kala ahaa Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dibu-dejinta Axmed Cilmi Yare iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cismaan Siciid.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in masuuliyiintan lagu xidhay sababo la xidhiidha Eedo musuqmaasuq oo ka yimid Raashin loo qaybinayey dad masaakiin ah oo ay leexsadeen, loona iib geeyey Suuqa, waxana uu intaasi ku daray in ay wakhtigan ku xidhan yihiin xarunta dabi baadhista CID ee magaaladda Hargeysa.

Mudane Saylici waxa uu xusay in maxbiistan la xidhay la baadhayo danbigoodda, isaga oo intaasi ku daray in haddii lagu hello danbiga lagu xidhay in la soo hor taagi doono Maxkamadd, waxana uu carabka ku dhuftay hadii lagu waayo danbiga lagu xidhay in la sii dayn doono.

somalilandpost.net

Khadar Dirir

Hargeysa, Somaliland