Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Gurigiisa ku booqday Wasiirul-dawlaha Arrimaha Debedda oo Xanuun u jiifa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu weheliyo Wasiirka wasaaradda Beeraha Md. Faarax Cilmi (Geedoole), ayaa maanta gurigiisa ku booqday Wasiirul-Dawlaha Arrimaha Debedda Somaliland Dr Maxamed-Rashiid Sh. Xasan oo muddooyinkii ugu dambeeyey Xaalad Caafimaad ugu maqnaa dalka Ingiriiska isla markaana dhawaan dalka ku soo laabtay.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ugu duceeyey Wasiirka oo imika nasasho ku jooga guriigsa, inuu Eebbe ka dul-qaado Xannuunka Asiibay oo in muddo ah uu la jiifay

Wasiirul dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan, ayaa madaxweyne Ku xigeenka uga mahad celiyay booqashadiida waxaanu tilmaamay inuu ka soo kabanayo xanuunkii uu u jiifay oo ku wajahnaa faalig. Waxaanu ILAAHAY ka baryay inuu u aqbalo ducadda madaxda qaranka iyo shacbiweynaha Somaliland.

Dr Maxamed-rashiid ayaa xaaladiisa caafimaad wanaagsanaatay, ka dib markii uu si kedis ah xanuun ugu soo booday isaga oo ka hadlayey xaflad jaaliyadaha Ingiriisku weftigii Madaxwaynaha ee shirkii London ka qayb-galay ugu qabteen London, waxaanu muddo ku sugnaa London.

SLpost News/Hargeysa