Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Mashruuca Biyo-billaadhinta Hargeysa

HARGEYSA (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray mashruuca biyo-ballaadhinta Caasimadda oo ay maalgelinayso Dawladda Imaaraatka Carabta, kaas oo laga higelinayo Xaafadaha Bariga magaalada oo biyaha looga soo jiidayo Ceelal laga qoday deegaanka Xumbo-weyne ee duleedka Hargeysa.

warxMunaasibad furitaanka mashruuca Hargeysa loogu qabtay, ayaa ka sokow madaxweyne ku-xigeenka waxa ka qayb-galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Somaliland, Salaadiin, maamulka Gobolka iyo Ka Dawladda Hoose ee Magaalada Hargaysa iyo saraakiil ka socotay dawladda Imaaraatka Carabta.

HALKAN KA DAAWO