Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Bahda Saxaafadda iyo Qoyskiisaba ka Tacsiyeeyay Marxuum Weli Xaaji Caynabo

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka tacsiyeeyay bahda Saxaafadda, qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Weli Xaaji Caynabo oo ka mid ah Ruug-caddaaga Warbaahinta Dalka, oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeya.

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweyne ku-xigeenka ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhuurayadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Saxaafada JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, WELI XAAJI CAYNABO oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 19/04/2013.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay suxufi ruug-caddaaya oo ka mid ahaa ragii salka u dhigay warbaahinta somaalida guud ahaan, jecelna dalkiisa iyo dadkiisaba, taariikhna ku leh bulshada Somaliland, Xilal kala Duwana ka soo qabtay Wasaarada Warfaafinta JSL.

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.