Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wefti u hoggaaminayo oo u kuurgalida Abaaraha ah ku Tagay Boorame


Boorame (SLpost)-Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xaalado indho-indhan ah oo ay ugu kuur galayaan xaaladaha ay abaartu ku keentay goboladda Awdal iyo Selel ku tagay gobolka Awdal ee Boorama.

Weftiga Madaxweynaha ku-xigeenka waxaa  wehelinayey wasiiraddaha wasaaraddaha Xannaanadda Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir Cali, wasiirka Dib-u-dejinta Cabdirisaaq Cali Cismaan, wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiintay Cali Cilmi Geelle, wasiir ku-xigeenka waxbarashadda iyo Tacliinta Sarre  Cali Xaamud Jibriil iyo Masuuliyiin kale.

Weftigaasi markii ay gaadheen magaaladda Boorame waxay warbixino ka dhegaysteen Guddiga abaaraha ee goboladda Awdal iyo Selel Sheekh Maxamuud Daahir Dhawal iyo Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa faahfaahin ka siiyey weftiga madaxweyne ku-xigeenka hawl galka guddiga abaaruhu fuliyeen deeganadda Awdal iyo Selel ee ay abaartu ku dhuftay iyo goobihii kale ee ay gaadhsiiyeen gurmadkii lagu talo-galay iyo dadkii ku tabaaloobay abaarta.

Socdaalka weftiga madaxweyne ku-xigeenka ee abaarta ee goboladaasi oo qaadan doona muddo dhawr maalmood ah waxay taakulo gaadhsiin doonan degaanadda dad gaadhayaa ilaa 1,000 qoys oo aanay hore u gaadhan gargaarku .

Somaliland Post.Net