Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Masuuliyiin Sarsare oo ka tirsan Hay’adda FOA oo kormeer ku maray Xarun Hadhaaga Lafaha Xoolaha ka farsamaysa Agabyo kala duwan

Hargeysa, 16 April, 2012 (SLpost)- Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici”oo ay weheliyaan Mas’uuliyiin ka socota hay’ada FOA ayaa Maanta kormeer ku tagay xarun lagu farsameeyo hadhaaga  lafaha xoolaha oo ku taala magaalada Hargaysa isla markaana uu u kuurgalay qaabka ay u shaqayso xaruntani.

Xaruntan oo ay gacanta ku hayso ururka Wadaniga ah ee “Somda” waxa lagu farsameeyaa isla markaana ay soo saartaa Saabunta dharka lagu maydho qalabka la isku qurxiyo iyo agab kale, kuwaas oo dhamaantoodba laga sameeyo hadhaaga lafaha xoolaha oo wakhtiyadii hore la daadin jiray.

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” waxa uu soo indho indheeyay qaybaha wax soo saar ee xaruntan isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay qaabka looga faa’iidaystay lafaha xoolaha waxaanu sheegay in Xukuumad ahaan ay dhiirigelinayaan muwaadiniinta ku hawlan wax soo saarkan wadaniga ah oo dhinaca kalena ka ah ayuu yidhi qorshe fursad shaqo loogu  abuurayo dhalin-yaro badan .

Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo hadal halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in xaruntani ay qayb wax ku ool ah ka qaadanayso kobcinta Wax soo Saarka Wadaniga ah isla markaana ay soo saarayso wax dalka iyo dadkaba anfaca,Wasiirku Waxa uu xusay in markii hore bulshadeenu aanay aqoon u lahayn sida ugu haboon ee looga faa’iidaysan karo hadhaaga lafaha xoolaha oo la daadin jiray .

Wakiilka Bariga afrika ee hay’ada FOA Mr Luka Alinofa oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in xaruntani ay mudo kooban oo ay jirtay ku talaabsatay horumar weyn oo la taaban karo isagoo intaas ku daray in hay’adoodu ay sii wadi doonto taageeradii ay siin jirtay xaruntan Somda .

Geesta kale Gudoomiyaha Iyo  Gudoomiye ku xigeenka Xarunta Somda Suwaysara Yuusuf Maxamed iyo Siciid Ibraahin Faarax ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka ay xaruntani u shaqayso waxaanay sheegeen inay ka hawl galaan in ka badan Konton Xubnood oo Muwaadiniin ah oo la tababaray, Waxa ay Madaxda Xaruntani Shahaado sharaf gudoonsiiyeen Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Wakiilka Bariga Africa ee Hay’ada FAO Mr Luka Alinofa .

SLpost News/Hargeysa