Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Eng. C/raxmaan Saylici oo sheegey in Shaqsiyaad ka dibada waraaqaa uqoraaya in talaabo laga qaadidoono

“Waa Qaran Jab In Waraaqo Dibadda Loo Qoro, Shakhsiyaadka Lagu helo Dawladdu Tallaabo…”

Hargaysa (SLpost ) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha , Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ahna kusimaha madaxweynaha, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in axsaabta mucaaridka ahi ay dhaliilaan horumarka iyo dhagax dhiga waddooyinka iyo dhismeyaasha kale ee ay xukuumaddu dalka ka hir gelinayso.

Waxaanu Mudane C/Raxmaan Saylici u soo jeediyay xisbiyadda mucaaridka in dhaliishoodu ay ku salaynaato waxyaabaha muuqda ee aanay waxba ka qaban xukuumadda taladahaysaa.

Madaxweyne ku xigeenku waxaanu sheegay C/raxmaan Saylici in u jeedada ay xukuumaddu ka leedahay dhagax dhiga wadada Ceerigaabo iyo meelaha kaleba ay tahay in ay beesha caalamka u muujiyaan isku duubni, si ay uga helaan taageero caalami ah isla markaana aynu muujino inay Somaliland wax qabsan karto

Ku simaha Madaxweynuhu ayaa ku dooday in waxqabadka ay ku tallaabsatay xukuumaddu muddada saddexda sano ah ee ay jirtay uu yahay mid muuqda oo aan qarsoonayn, waxaanu sheegay in isbedelka dalka ka muuqdaa uu makhtaati cad u yahay.

Waraysigaasi oo aanu la yeelanay madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha oo dhinacyo badan taabanaya, isla markaana uu arrimo badan kaga hadlay waxa uu u dhacay sidan:-


Su’aal: Ugu horayn muddane madaxwayne waxa aad nooga warantaa guud ahaanba xaaladda uu wadanku ku sugan yahay?

Jawaab: Illaahay mahaddii dalku waa nabad guud ahaan, Illaahay raxmaadkiisuna way ka wada da’een dalka oo dhan, waxaanad moodaa maanta sanado badan oo aan ku soo jirnay abbaar in uu Illaahay inaga saaray, oo dhulku aad u qabow yahay barri iyo galbeedba, sida aan la socono madaxweynihii dalkuna wuxuu ku maqan yahay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Turkiga.

Halkaasi oo runtii si aad iyo aad ah oo qiimo leh loogu soo dhaweeyay, ayna u muujiyeen dawladda Turkigu in ay diyaar u yihiin in ay Somaliland wax la qabsadaan, xagga ganacsiga, maalgashigaba in ay wax inala qabsadaan.

Wadahadaladii Soomaaliya aynu la lahayna wejigiisii saddexaad-na sida la qorsheeyay wuxuu bilaabmi doonaan bisha dambe ee 11-aad horaanteeda, imikana safarkaa madaxweynuhu wuxuu ahaa mid gaar u ah danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Turkiga, meel fiicana way maraysaa, dalkuna guud ahaan waa nabad.

Su’aal: Waxa aad sheegtay in madaxweynihii uu safar ku joogo dalka Turkiga, masuuliyiintii uu la kulmayna ay si fiican isku afgarteen, maxaad nooga sheegi kartaa waxyaabaha midho dhalka ah ee la isku afgartay ee ay labada dhinac ku heshiiyeen?

Jawaab: Runtii kollay marka ay yimaadaan weftigu ee ay soo guryo noqdaan ayay si faahfaahsan uga warami doonaan, laakiin waxyaabaha ay isla afgarteen waxa ka mid ah in ay addeegyadda aasaasiga ah ay wax nala qabtaan, iyo in ay iyaga oo danaynaya ganacsiga Afrika in ay dekedda Berbera iyo meelaha marinka ah ee wadanka laga soo galo in ay maal-gashadaan.

saylici111

Su’aal: Beryahan dambe waxa jira dhaliilo badan oo ay xukuumadiina u soo jeedinayeen axsaabta mucaaridka ahi, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in wadooyinka aad dhagax dhigteen aanay ahayn wax dhab ah, isla markaana aad dadka ku jahawareerinaysaan ama aad dhaqaale ku urursanaysaan xukuumad ahaan, arrimahaasi maxaad kaga jawaabaysaa?

Jawaab: Taasi waxaan odhan karaa runtii waa nasiib darro, dal haddii la dhisayo in la yidhaahdo waxba lama dhisayo ama la mucaaraddo waa nasiib darro aad u wayn.Mucaaridadu waa mid mar walba jirta, mar malbana cida tallada haysaana wax walba ma dhamaystiri karto, Ilaahay ayuun baa dhamaystiran iyo wixii uu soo dejiyay.
Bani’aadamkuna dhaliil wuu yeelan karaa.

mucaaridadda waxa loo baahan yahay in ay dhaliishoodu noqoto wixii meesha ka muuqda ee ay cida tallada gacanta ku haysaa ay leedahay in ay sheegto, laakiin waxyaabo aan jirin in la isa saaraa ma qurux badna, dhagax been ahna lama dhigayo. u jeedadayaduna waxa ay tahay, annaga waxqabadkayagu mid qarsoon ma aha, mudada saddexda sanno ah ee aanu joognay is-bedelka dalka ka dhacay waa mid muuqda, hadday wadooyin tahay, haddii ay miisaaniyadda dalka iyo dhaqaalaha dalka oo kor loo qaaday tahay, shuruucda dalka oo markii hore la odhan jiray xeer ayaa qeexi doona uun ku wada taagnayd, oo aanay dawladihii naga horeeyay aanay waxba ka dhaqaajin, laakiin annagu sida aad la socotaan xeerar badan oo dalka faa’iido u leh aanu ansixinay, sida shuruucda bangiyadda, mashruuca hay’adaha madaxa banaan iyo wasaaraddaha dawladda iyo kuwo kaleba.

Markaa runtii waxa aanu qabanay wax la qarin karo ma aha, dhagaxa aanu dhigaynaana itaalku inta uu doonaba ha ahaadee u jeedadayadu waxa ay tahay in aanu isku duubni muujino, taasi oo ah in aanu rabno in aanu wadadda intaa le’eg ee Ceerigaabo niyadda aanu gashano, in wixii aanu awoodnana aanu qabano, dabadeedna wixii beesha caalamku ay nagu tixgeliso marka ay arkaan in aanu dadaalayno ay naga caawiyaan, markaa waa laga yaabaa in la is yidhaahdo 370km, dawladeenan maanta curdinka ah ee aan ictiraafka haysan, ee aan dhaqaale adduunka qayb ka helin, hadday ‘World Bank, IMF iyo kuwa kaleba, waa laga yaabaa in ay dadka qaar sidaa u fikiraan, laakiin annagu (xukuumadda) waxaanu leenahay haddii aad wax bilawdaan, dadkiinuna marka ay arkaan in ay ku dhiiradaan, beesha caalamkana waxaanu ka rajaynaynaa in ay wax badan innaga taraan.

Lacag aanu annagu urursanayno ma aha xaasha, lacagta ummadda wixii aanu ururino ee laga qaado dadka shacabka ah, haddii ay xoolo bixiyaan, haddii ay lacag ku bixiyaan, mid dawladdu urursanayso ma aha, ee waa mid loogu tallo galay, kolba inta la ururiyaa inta ay ka gaadho in lagu sameeyo waddooyinka.

Su’aal: Waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha ay xisbiyadda mucaaridka ahi idinku eedeeyaan in aad goleyaashii sharci dejinta laaluushteen oo ay ku milmeen waaxdii fulinta, waxaanay tusaale u soo qaataan xeerkii maalintii dhawayd ee takaaliifta horumarinta waddooyinka, oo ay sheegeen in aad aqlabiyadda xildhibaanadda laaluushteen maxaa arrintaasi ka jira?

Jawaab: Anigu waxaan qabaa eedaasi nama qabato, cid la laaluushayna ma jirto, xeerkuna marka la horgeeyo golaha baarlamaanka waa mid caadi ah in lagu doodo, oo la isku dilo, sababta oo ah meel shaqo taallo ayuun bay dadku ku wadahadalaan.
Xeerkii aanu u gudbinay golaha wakiiladdu ma wada qaadan, ee waxna way ka dhimeen, waxna sidiisa ayay u qaateen. Markaa markii ay ka doodeen, weliba aanu qiimeyaashii aanu qoodaynay ee aanu ugu tallo galnay gaadiidka ama xoolaha inta ay wax ka dhimeen oo ay doodiidiina dhamaysteen ayay ku qanceen, ku qancid ay ku qanceen oo iyagu weliba wixii aanu xukuumad ahaan u gudbinay wax ka bedeleen ayuun baa keentay in ay ansixiyaan. wadashaqaynta goleyaasha qaranku waa ta loo baahan yahayba, haddii aanay wadashaqayn jirin saddexdii dhadhaar ee dastuurku jideeyay horumar dalku ma gaadhayo.

Markaa haddii aanu annagu nasiib u yeelanay in aanu wadashaqayno goleyaashii sharci dejinta, in si khalad ah loo arko maaha, annaguna (xukuumadda) wax aan qaranka dan u ahayn, dhibna ku ah oo cid gaar ah u addeegaya, qorshaha nooguma jirto in aanu goleyaasha u gayno, oo ay noo ansixiyaan, waxaanu gaynaynaa waa shuruuc dalka iyo qarankaba wax u taraysa. Markaa qofku in uu xagga xun ka eego maaha, laakiin waa in xagga wanaagsan laga eego.

Su’aal: Waxa jira muddooyinkan danbe warar badan oo sheegaya in mucaaridku ay ku hawlan yihiin waxyaabo ka dhan ah qaranimadda Somaliland, sida waraaqo hayaddo ama shirkaddo loo qoray, kullamo ay dad ajnabi ah la yeesheen, waxyaabahaasi oo dhamina caqabad ayay ku yihiin dawladnimadda, maxaa idiinka qorshaysan dadka arrimahaasi ku hawlan in aad ka qabataan?

Jawaab: Runtii waa innagu qaran jab in innaga oo maanta caalamka ictiraaf ka raadinayna oo ummadda in aan u muujino isku xidhnaanteena iyo wanaageena loo baahan yahay, si aan beesha caalamka uga helno kalsooni, waa innagu qaran jab maanta in ama mucaarid ha noqdaan ama shaqsiyaad kale oo caadi ahi in ay waraaqo dibadda u qoraan, oo halkii ay dawladda gacanta ku haysa ay u sheegi lahaayeen, in ay cid kale wax u sheegaan oo ay dadkii dibadda ee aynu Somailand labaatan sanadoodba aqoonsi ka raadinayno in maanta dareen la geliyo ilama haboona, waxaanse qabaa haddii la helo in shaqsiyaad gaar ahi ay waxaasi qoreen, dawladdu tallaabo cad ayay ka qaadaysaa.
Mucaaridkana waxaan leeyahay, waar qaranka waynu wada leenahay aan wax badan dhawrano, dhaliilina mar walba way jiraysaaye’, dhaliishana inta aanu leenahay noo sheega, inta aanaan lahayna hana saarina.

Su’aal: Waxaa la sheegaa in wax qabadka xukuumadiinu uu badan yahay, hase yeeshee sababta uu u muuqan la’yahay ay tahay xukuumadda oo aan wada socon, khilaafyo iyo in qaybiba dhinac u socoto, aragtida noocaas ah maxaa aad kaga jawaabaysaa?

Jawaab: Wax kala socod ah oo xukuumadda ka dhex jiraa ma jiro, waxanse kuu sheegayaa marka ay hawli bilaabmayso, waa laga yaabaa in wax la isla fahmi waayo, gaar ahaana bilawgii, laakiin imika maadaama oo aanu muddo saddex sano ah soo shaqaynaysay xukuumaddu, waxaan ku leeyahay dawladu imika way isla qabsatay, haddii sanadadii hore waxyaabahaasi la nagu dhaliilayay, laakiin annaga yuhuuntayaddu illaa madaxweyne, madaxweyne ku xigeen illaa gole Wasiirro ay yuhuuntayadu ahayd in qaranka wax laga bedelo, oo la dhaqaajiyo, taasina waa sida aad sheegtay oo waala dhaqaajiyay waxqabad baa la muujiyay, dalkii waa la dhisay, dhaqaalihiisii kor baa loo qaaday, markaa waxaan qabaa in hadda aad la iskula qabsaday, wax gal-daloolooyin ahina aanay jirin, kala socodna aanu jirin, qofkii yara xad gudba ee dawlada ka mid ahna lagama aamuso, ee madaxweynaha iyo golaha wasiiradda ayaa hortooda runta loogu sheegaa, kamana ogolin in ay dawladayadu ku wada hadasho, oo ku yooyootanto saxaafadda, dhawr jeer oo ay dhacdayna digniin adag ayuu ka bixiyay, in aanay dawladu isugu jawaabin warbaahinta, ee ay isugu jawaabto habka sharciga ah ee qoraaladda la isku waydaarsado.

Somalilandpost.net

Hargeysa