Madaxweyne ku-xigeenka oo Xadhiga ka jaray Waddooyin laga hirgeliyay Degmooyinka Caasimadda

Hargeysa,(SLpost)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray waddooyin ay dawlada Hoose ee Hargeysa ka hirgelisay degmooyinka caasimadda.
Waxa kale, oo uu dhagax-dhigay dhismaha waddooyin cusub iyo buundo dib u habayn lagu samaynayo oo ku taalla degmada Gacan libaax. Wadooyinka xadhiga laga jaray shalay oo ay ka mid yihiin wadada 150-ka oo isku xidhaysa degmooyinka 26-ka June, Gacan-libaax iyo Ibraahim Koodbuur waxay noqonaysaa dhamaystirka wajigii labaad ee horumarinta uxaafadahaas.
Waddada labaad waxay ku taalaa xaafadda Sheekh Madar ee degmada Gacan Libaax, waxaanay wadadaasi isku xidhaysaa xaafada Sh. Madar illaa daami, waxaana iyana iska kaashaday dawlada Hoose iyo shacbiga. Waxa kale, oo xadhiga laga jaray waddo cusub oo laami ah oo laga hirgeliyay xaafada haaf London ee degmada Axmed Dhagax.
Sidoo kale oo la dhagax la dhigay waddo cusub oo laami ah oo ku taala degmada Axmed dhagax, isla markaana isku xidhaysa Geerashka Sugulle illaa dugsiga Cali Jaamac ee xaafada Siinay. Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay furitaankii waddooyinkaas ayaa sheegay in wadooyinkani ay ku yimaadeen dedaal ay la timi dawlada hoose, waxaanu tilmaamay in wadooyinka qaar ay dadweynaha ku dhaqan caasimadu ay gacan ka geysteen.
Waxa uu maayarku sheegay inay u qorsheysan yihiin inay casriyeeyaan jidadka iyo wadooyinka magaalada, waxaanu ballan-qaaday inay qorshaha ugu jiraan wadooyin cusub oo laga hirgelin doono shanta degmo ee Hargeysa. Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir waxa uu u mahadceliyay dadka dawlada hoose kala shaqeeyay dhismaha wadooyinka xaafadahooda laga sameeyay.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay wadooyinkaas ayaa ka warramay ahmiyada ay wadooyinku u leeyihiin caasimadda, waxaanu sheegay inay dawladda hoose ku ammaanan tahay horumarinta waddooyinka oo uu tilmaamay inay awoodda saareen hagaajintooda muddooyinkii u dambeeyay.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu shacbiga reer Hargeysa u soo jeediyay cashuuraha bixiyaan si kor loogu qaado adeegyada aasaasiga ah ee caasimada. Cabdiraxmaan Saylici waxa uu dadweynaha u soo jeediyay inay ilaashadaan wadooyinkaas cusub.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiilladda ayaa sheegay in shacbiga degmada Axmed Dhagax ay baahi weyn u qabeen wadooyinka laga hirgaliyay waxaanu dawlada hoose uga mahadceliyay dedaalkeeda ku wajahan casriyaynta waddooyinka.

Somalilandpost.net

Webmaster@somalilandpost.net