Madaxweyne Ku-Xigeenka oo shacbiga Baaq u jeediyay kana hadlay qaraxyadii Hargeysa

Hargeysa,  (SLpost)- Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay feejignaadaan oo ay ciidammadda amaanka kala shaqeeyaan sugidda xasilloonida dalka.

Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu sidaasi ku sheegay hadal kooban oo uu ugu tallo galay sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay dalka 29-kii Ocbtober 2008-kii oo shalay ku beegnayd , waxaanu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii dadkii ku dhintay qaraxyadaasi. “Runtii maanta (shalay) waxay ku beegan tahay dhacdadii naxdinta lahayd waxay ahayd maalin ku madow Somaliland taariikhdeeda waana maalintii niman isa soo biimeeyay ay qaraxyo ka gaysteen sadex xarumood oo ku yaala Hargeysa oo kala ahaa Madaxtooyada, xafiiska Itoobiya iyo xaruntii UNDP, waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaaa qoysaskii dadku kaga dhinteen qaraxyadaasi waxaanan dadkii ku dhintay ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeenka wuxuu shacbiga ugu baaqay inay ciidamada ammaanka gacan siiyaan isla markaana feejignaadaan. “Waxaan shacbiga Somaliland ku dardaarayaa inay si aanay waxaasi mar kale inoogu dhicin waa inay ka feejignaadaan dadka dhibaatadaasi wada ee meelaha kale inooga imanaya oo ay ciidanka nabadgelyada ka gacan siiyaan wixii nabadgelyadeena wax u dhimaya anigoo aad iyo aad ugu mahad naqaya shacbiga sida wada jirka ah ee ay u ilaashadaan nabadooda kana feejigan yihiin wax kasta oo dhaqdhaqaaq ah.”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net