Madaxweyne ku-xigeenka oo markii u horeysay ka hadlay Tabasho Madax-dhaqameedka Beeshiisu u gudbisay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa markii u horeysay si caam uga hadlay tabashooyin dhinaca saami-qaybsiga ah oo madax-dhaqameedka iyo Wax-garadka gobolka Awdal u gudbiyeen madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo.

Qoraal ka kooban 11 bog oo lagu koobay tabashooyin la xidhiidha saami-qaybsiga beelaha Samaroon ku leyihiin hay’adaha dawladda kuna saxeexnaayeen dhowr iyo toban isugu jira Salaadiinta iyo Cuqaasha gobolka Awdal, ayaa dhowaan loo gudbiyey madaxweynaha Somaliland, waxaanu madaxweynuhu kulamo dhexmaray madaxweyne ku-xigeenka iyo madaxda dawladda kaga jira beesha gobolka awdal ka dib, guddi ka kooban lix wasiir u magacaabay daraasaynta iyo baadhista cabashada loo gudbiyey.

021Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici waxa uu arrintan kaga hadlay mar uu shalay war-fidiyeennada kula hadlayey gegida diyaaradaha ee Hargeysa oo uu uga amba-baxay socdaal dhowr maalmood qaadanaya magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta ugu baxay halkaas oo shir lagaga hadlayo maalgashiga.

Md Cabdiraxmaan Saylici oo la weydiiyey xalka ku lammaan guddiga madaxweynuhu u saaray tabashada Madax-dhaqameedka Awdal iyo sababta uu uga hadli waayey maadaama oo uu isaga laftiisu ka soo jeedo gobolka Awdal, waxa uu ku jawaabay, “Tabashadu waa wax mar kasta iska jira, dadku inay wax tawdaan waa mid joogto ah oo waligeed iska dhici jirtay. Guddigaas loo saarayna waxay soo raadinayaan wixii ay ku cabanayeen inay soo xaqiijiyaan si wax looga qabto cabashadooda,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo madax-dhaqameedka beeshiisu qoraal ay kaga cabanayaan saamo-qaybsiga dawladda u gudbiyey madaxweynaha.

SOMALILANDPOST.NET