Madaxweyne ku-xigeenka oo lacag u qaybiyey Dhaawacyadii Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyada Buuhoodle oo Yaala Cusbitaalka Burco, kana warramay ujeeddada Socdaalkiisa Burco

Hargeysa, 13 February 2012 (SLpost)-Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), iyo wefti baaladhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta safar ku tagey magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxa duleedka magaaladda Burco ku soo dhoweeyay Masuuliyiin iyo Dhalinyaro aad u kala duwan, waxana uu Md Saylici markii uu magaaladda Burco gaadhay uu booqdey Cusbitaalka guud ee magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo Cusbitaal gaar loo leeyahay, waxaanu uu halkaasi kala kulmay dhaawacyaddii ku soo waxyeeloobay dagaalkii dhowaan ka dhacay Deegaanka Buuhoodlle.

Dhaawacyadda uu Madaxweyne ku-xigeenku booqdey ayaa isugu jirey Ciidmadda Qaranka Somaliland iyo Malleeshiyaddii ka soo horjeeday, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay afaratan dhaawac, balse Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu si siman u booqdey dhamaan dhaawacyaddii ku sugnaa halkaasi, waxana uu mid mid ugu qaybiyay hal malyan oo shilinka Somaliland ah, lacagtaas oo u dhiganta, halkii qof 150, lacagta dollarka Maraykanka ah.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in labaddan dhaawac waa kuwa ciidanka Qaranka Somaliland iyo maleeshiyadda ka soo horjeeday ee ay yihiin dhamaantood dad reer Somaliland ah, sidaas awgeedna ay Somaliland doonayso in ay soo afjarto dagaalkan, waxana uu ka warbixiyay dhibaatadda ay colaadu leedahay.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici ) waxa uu farta ku fiiqay in dhaawaca malleeshiyadda ka soo horjeedda Somaliland ee ku sugan cusbitaalka Burco ay yihiin shacabkii Somaliland “Kuwani waa shacabkeenii oo dagaal ku dhaawacmay, waxana aan halkan u imi inaan ogaaddo xaaladda ay ku sugan yihiin iyaga iyo Ciidmadda Qaranka Somaliland, iyo inaan ku qanciyo ahmiyadda ay leedahay nabadgelyadu”Ayuu yidhi  Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in ay dawladdu diyaar u tahay in dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Buuhoodlle  ay u qaado goob kale oo caafimaad haddii aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karayn.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net