Madaxweyne Ku-xigeenka oo ka Qayb-galay Aas Qaran oo loo Sameeyey Askar Shil-baabuur ku dhimatay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qeyb galay Aaska ALLE ha u naxariistee sadex askari oo Boolis ah oo ka mid ahaa shan qof oo shalay ku qudh-baxay markii laba Baabuur oo midi ciidan boolis ahi saarnaa iyo gaadhi dad rayid ahi wateen kuwaas oo isku dhacay iyaga oo maraya tuulada Halleeya ee duleedka Bari ee magaalada Hargeysa.

aaskaWaxa maanta sadexaasi askari ee ka tirsanaa ciidanka booliska oo uu midi sarkaal ahaa aas qaran loogu sameeyay Xabaalaha Naaso-hablood ee magaaladda Hargeysa. Waxaana aaskooda ka qeyb galay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici), Wasiirka Daakhiliga, Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur), Taliyeyaasha ciidammadda Booliska, Ciidanka Qaranka iyo Asluubta iyo kumanaan dadweyne ah oo ka mid ah bulshadda ku dhaqan caasimadda Hargeysa.

aaska (1)Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay aaskaasi ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii, ciidanka Booliska iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen sadexdaasi marxuum, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodii, ciidanka Booliska iyo Shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo..
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sheegay in shilkaasi uu ahaa mid naxdin leh, waxaanu dhammaan 25-kii askari ee ku dhaawacmayna ILAAHAY uga baryay inuu shaafiyo.

aaska (2)Shil baabuur oo shalay ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa, ayey ku dhinteen shan qof oo laba Shicib yihiin iyo dhaawaca 25 Askari kuwaas oo ka soo laabtay Hawl-gal ay muddo laba bilood ah ugu maqnaayeen magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Shilkan ayaa ku yimi ka dib markii ay isku dhaceen Gaadhi ay ciidamadu saarnaayeen iyo Gaadhi Shacab oo Xamuul ah kuwaas oo isku duqeeyey deegaanka Halleeya ee Bariga Caasimadda Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET