Madaxweyne Ku xigeenka oo Ka Hadlay Shir lagu falan-qeynayay mashruuca GPLG ee D/Hoose ee dalka

Hargeysa (SLpost)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Mayarrada magaalooyinka dalka qaarkood, waxana lagaga wada hadlay natiijooyinkii ka soo baxay barnaamijkii maamul daadejinta Gobolada iyo degmooyinka ee mudada socday iyo sidii loo sii wadi lahaa mustaqbalka.

kulankan waxa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha uu khuseeyo mashruucani sida waxbarashada, caafimaadka, Biyaha, Arrimaha gudaha iyo Hawlaha guud oo ay wehelinayeen hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera mashruuca maamul daadejinta degmooyinka.

shirkii-maanta-300x200

Munaasabadaasi waxaa warbixino ku saabsan natiijooyinka wejiyadii hore ee mashruuca ka soo jeediyey qaar ka mid ah maayarrada magaalooyinka dalka ee kulanka ka qayb galay, waxana ay sheegeen in uu yahay mashruuc faa’iido badan u leh maamulada degmooyinka iyo dadweynaha Somaliland guud ahaantood, iyagoo ka codsaday xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh in la sii wado mashruucani.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna kulanka gebagebadiisii la hadlay Maayarrada ayaa sheegay in mashruuca maamul daadejinta degmooyinku uu yahay mid ka mid ah mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, lagana doonayo golayaasha deegaanku inay uga faa’iideeyaan bulshada, isagoo dhanka kalena uga mahadceliyey hay’adaha gacanta ka gaysta hirgelinta mashruucaasi.

Somalilandpost.net

Hargeysa