Madaxweyne Ku-xigeenka oo Furay Qaybo Cusub oo lagu Kordhiyey Wasaaradda Warfaafinta (Sawirro)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey wasaaradda Warfaafinta, kuwaas oo loogu talo-galay Qaybta Wacyi-gelinta ee Wasaaradda oo telefishanka Qaranku yeelanayo.

SAWIRRADA (3)Xafladda Xadhiga lagaga jarayey Dhismeyaayshan Cusub ee laga Hirgeliyey Xarunta Wasaarada Warafaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo lagu qabtey Hoolka shirar telefishanka, waxa ka soo qayb galey Mas’uuliyiin Marti Sharaf Fanaaniin, Ugu Horeyn Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Saylici, Wasiirro, masuuliyiinta iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda.

SAWIRRADA (6)Cabdiraxmaan Saylici oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ayaa ka warbixiyey Horumarka Balaadhan ee Xukuumadu u Qabato dalka, isagoo Tusaale u swoo qaatey Labada Dhisme ee lagu soo Kordhiyey Xarunta Wasaarada Gaar ahaan Telefiishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa kale oo isna halkaas hadal dar-daaran ah ka soo Jeediyey Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska jamhuuriyada Somaliland Cali Siciid Raygal isagoo kula dardaarmey Dhalinyarada Saxaafada Somaliland iney ilaaliyaan Anxshaxa Gudbinta Wararka.

SAWIRRADA (5)Maareeyaha Guud ee Telefiishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo isna Halkaas ka hadley ayaa ka Warbixiyey Dhaqaalaha Ku Baxay Istudio yaashan Xadhiga laga Jarey Waxaanu yidhi, “Qalabka Aanu ku Rakibney Istudio-gu waxa ku baxey $34 kun Dollar, laba Kamaradood oo aanu ku Rakibney Istudioga Cusub waxa ku baxay isna $ 20 kun oo dollar halka qalabka kale ee ay ka mid ka yihiin Sound Prove-ka iyo Mixer ay ku Baxdey $10 kun oo dollar.”

SAWIRRADA (2)Waxa isna Halkaas ka Hadley Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland ahna Ku Simaha Wasiirka Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxaan, waxaanu ka warbixyey Marxaladihii kala Duwanaa ee ay soo Mareen Dhismayaashan Maanta Xadhiga laga Jarey.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL oo isna Halkaas ka hadley ayaa ka Waramey Horumarka Balaadha ee Wasaaradu ku Talaabsatey Mudooyinkan u Dambeeyay isagoo tusaale usoo qaatey labada idaacadood ee Wasaaradu maamusho ee idaacada Qur’aanka iyo Radio Hargeisa oo Dhawaan lagu Baahiyey Gobolada Waaweyn ee Dalka.

SAWIRRADA (1)Gebagebadii munaasibadda, waxa ka hadlay badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Maxamuud Cali Ramaax oo ka Waramey Hormarka balaadhan ee Wasaarada Warfaafintu ku talaabsatey Mudooyinkii u Dambeeyay isagoo Bushaaro uu uga Sido Shacabka ku nool Sanaag kasoo Jeediyey Goobta lagu qabanayey Xaflada, waxaanu sheegay in Bulshada ku dhaqan Sanaag gaar ahaan Ceerigaabo ay ku hambalyeeyeen Xukuumadan iyo wasaaradaba Idaacadaha Quraanka iyo Radio Hargeisa Oo si Toos ah looga Dhageysto Magaaladaas.

 Labadan Dhisme ee Maanta laga Furey Xarunta Wasaarada ayaa loogu talogaley mid ka mida Xafladaha Wacyigelinta halka Mid ka kalena loogu talogaley Studio- laga tabiyo Baahinada ka Baxa Telefiishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.