Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Daah-furay Shirkad Cusub Oo Kalluumaysi Oo Lagu Magacaabo LUGHAYA SEAFOOD

Lughaya, (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somailand Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku daah-furay degmada Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal xeebtiisa galbeed shirkad kalluumaysi oo lagu magacaabo Lughaya Seafood, taasoo ay hirgeliyeen qurbejoog u dhashay deegaannada gobollad Awdal iyo degmada Lughaya, isla markaana shaqo loogu samaynayo dhalinyarada deegaanka, door ka qaadan doonta wax soo saarka dhinaca khayraadka badda.Lughaya Seafood

Munaasibad uu xadhiga kaga jaray madaxweyne ku-xigeenku shirkaddaas cusub ayaa wax aku wehelinayay wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cali Jaamac Buureed, Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey), agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo macdanta Siciid Axmed Jibriil iyo agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta Cabdirashiid Axmed Sulub, waxa kale oo munaasibaddaas goob-joog ka ahaa xildhibaanno, qaar ka mid ah masuuliyiinta gobollada Selal iyo Awdal iyo maamulka degmada Lughaya.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyay munaasibaddii xadhig ka jarista shirkadda Lughaya Seafood ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo inuu xadhiga ka jaro shirkad noocan ah oo ay hirgeliyeen qurbe-joog u dhashay deegaanku, waxaanu yidhi. “Runtii farxad weyn bay ii tahay inaan kasoo qaybgalo xafladdan lagu daah-furayo shirkadda Lughaya Seafood oo ay maalgeliyeen dhalinyartaas qurbejooga reer Lughaya, waxaanay farxad gaar ah noogu tahay waa wax noloshii ummadda deegaanka wax badan ka bedelaysa, bani’aadamnkuna wuxuu qabto waxa u wanaagsan wixii ummadda lagu noolaynayo.

Lughaya degmo weyn oo qadiimi ah ayay ahayd waxa dibu dhaca ugu wacani waa wado xumo, in badan oo aanu tabaynay oo aanu lahayn dadkeedii may wax ka qabtaan, ragga maanta halkan sameeyay horseed bay ka noqdeen inay degmadoodii wax kusoo kordhiyeen, waana lagu dayan doonaan Insha Allah oo waxaa iyo ka badan waa la qaban karaa haddii la isku tashado, waxaana la inooga baahan yahay, sida ay maanta wiilashaas maalgeliyay shirkaddani ay u soo dhiiradeen in inkale oo badanina usoo dhiirato oo ay dalka wax kusoo kordhiso, bani’aadamku hadduu is-yidhaahdo wax qabo oo ay ka go’an tahay wuu qaban karaa, wax kasta oo adag waa laga gudbi karaa, waddamadaas horumaray ee lagu yaacayo dad baa kasoo shaqeeyay iyaga oo aan haysan cadceed joogta ah.”

Waxa kale oo halkaas ka hadlay wasiirka wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayaraadka badda Cali Jaamac Faarax (Buureed), isagoo carrabka ku adkeeyay inay si buuxda u aqoonsan yihiin shirkaddan cusub ee Lughaya Seafood, isla markaana uu ku tilmaamay inay dhiirigelin weyn u tahay kalluumaysatada ka wasaarad ahaanna ay garab is-taagi doonaan.

Sidoo kale waxa ka hadlay agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha kalluumaysiga, qorsheynta iyo macdanta, guddoomiyaha degmada Lugaha iyo masuulka ugu sareeya shirkadda Lughaya Seafood Xasan Yuusuf Wadaad iyo xubno kale oo dhamaantood ku tilmaamay daah-furka shirkadda cusub ee kalluumaysiga ee Lughaya Seafood mid ka mid ah horumarka la taaban karo ee ka hirgeligalay dalka, gaar ahaan dhinaca khayraadka baddaha.

Somalilandpost.net