Madaxweyne ku-xigeen Saylici oo tacsi u diraya Qoyskii iyo Qaraabadii Geerida ku timi Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Sanaag

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii,  iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid Gudoomiye ku xigeenkii Gobolka Sanaag MARXUUM CABDICASIIS XASAN SICIID oo ku geeriyooday Cusbitaalka weyn ee Hargeysa 19.02.2012.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo bulshada reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.