Madaxweyne ka Qayb-galay Xaflad loo sameeyey Dufcaddii saddexaad ee ka Qalin-jabisa jaamacadda Timacadde, Mashaariicna ka furay Gabiley (SAWIRRO)

Gabiley (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo. waxa uu maanta gabiley kaga qaybgalay Xaflada Qalinjebinta Ardayda dhamaysatay waxbarashada Jaamacada Timacade University, isaga oo halkaasina ka hirgeliyey mashaariico kala duwan.

Madaxweynaha oo intii uu ku gudo jiray jidka u dhexeeya hargeysa ilaa Gabiley, ay shacbiga deegaamadaasi si weyn ugu soo dhaweynayeen madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa dhex lugeeyey dadweyne tiro badan oo soo buux dhaafiyey wadooyinka Arabsiyo dhexdeeda.

DSC_0629Ka dibna waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay dhinaca Gabiley oo ay shacbi tiro badani tubnaayeen Kaantaroolka ilaa jaamacada inta u dhaxaysa, kuna soo dhawaynaayey madaxweynaha hadalo kala duwan oo ay ku muujinayeen dareenkooda wadanimo, jacaylka ay u qabaan madaxweynaha iyo xukuumadiisaba.

Intaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu gaadhay goobta lagu qabanaayey xaflada jaamacada ee lagu sagootiyaayey ardayda sanadkan dhamaysay aqoontooda jaamacadeed isaga oo madaxweynuhu shahaadooyina gudoonsiiyey ardaydii ugu saraysay Faculty-yadooda iyo guud ahaanba ardaydii ugu sareeyey jaamacada Timacade sanadkan.

Waxa kale oo halkaasi uu madaxweynuhu shahaado sahraf gudoonsiiyey Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed oo ah gudoomiyaha Jaamacada Amoud University oo ay jaamacada Timacade u aqoonsatay Aabaha jaamacada Somaliland.

Intaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhismeyaal iyo wadooyin kala duwan oo ay ugu horeeyeen Dhismaha Hool weyn oo jaamacada Timcade yeelan doonto oo ay maantaba ku qabsatay Xaflada qalinjebinta jaamacada, furitaanka Cusbitalka Dhimirka oo laga hirgeliyey gabiley, waxa kale oo uu madaxweynuhu furay dhismeyaal lagu kordhiyey cusbitalka TB ee Gabiley, isaga oo ku guda jira mashaariicda gabolka ka hirgalayna waxa uu xadhiga ka jaray iyana waddo isku xidhi doonta magaalada iyo xabaalaha.

Halka uu madaxweynuhu dhagax dhigay wado casri ah oo loo qorsheeyey inay isku xidho gudaha magaalada gabiley, iyo waddo iyana nooceedu ku cusbaandoono dalka taasi oo noqon doonta waddo laba haad ah balse dhexdeeda ay hadhsan doonaan shacbigu, baabuurtuna ay dhinacyada uun ka maridoonto.

Intaasi ka dib waxa weftiga madaxweynuhu u soo amba-baxeen dhinaca arabsiyo oo madaxweynaha loogu qado sameeyey dooxa weyn ee arabsiyo beer ku taal oo runtii aad loo soo agaasimay, xafladaasi ka dibna uu madaxweynuhu uga mahadnaqay degmada arabsiyo sida qiimaha badan ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa ugu qado sameeyeen.

IMG_0591 IMG_0579 IMG_0574 IMG_0566 IMG_0561 IMG_0528 IMG_0518 IMG_0512 IMG_0486 IMG_0457 IMG_0455 IMG_0384 IMG_0358 IMG_0337 IMG_0329 IMG_0313 IMG_0305 IMG_0301 IMG_0298 IMG_0290 IMG_0285 IMG_0268 IMG_0214 IMG_0178 IMG_0171 IMG_0149 IMG_0119 IMG_0105 IMG_0093 IMG_0079 DSC_0652 DSC_0650 DSC_0648 DSC_0646 DSC_0626 DSC_0611 DSC_0610 DSC_0605 DSC_0601 DSC_0579 DSC_0555 DSC_0535 DSC_0516 DSC_0506 DSC_0498 DSC_0439 DSC_0432 DSC_0357 DSC_0353 DSC_0338 DSC_0334 DSC_0324 DSC_0319 DSC_0310 DSC_0306 DSC_0302 DSC_0300 DSC_0297 DSC_0296 DSC_0292 DSC_0269 DSC_0264 DSC_0259 DSC_0254 DSC_0250 DSC_0247 DSC_0237 DSC_0234 DSC_0229 DSC_0214 DSC_0185 DSC_0183 DSC_0179 DSC_0167 DSC_0151 DSC_0148 DSC_0145 DSC_0134 DSC_0124 DSC_0110 DSC_0097 DSC_0086 DSC_0075 DSC_0067 DSC_0059 DSC_0054 DSC_0029 DSC_0017