Madaxweyne Geelle oo noqday Hoggaamiyihii Labaad ee ka Daga Magaalada Muqdisho muddo 20 sanno ah

Muqdisho  (SLpost)- Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa booqashao ku tagey magaalada Muqdisho ayaa isaga iyo wafdigiisu ay dib uga dhoofeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas, ka dib markii uu kulammo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda TFG.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in dhibaatada abaareed ee ka jirta Soomaaliya ay aad uga badan tahay sidii uu filayay, isagoo sheegay in dowladdiisa iyo shacabkiisu ay garab-taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

“Soomaaliya dhibaato ka badan intii aan filayay ayaa ku dhacday, runtiina waa mid galaysa taariikhda Soomaaliya ka galaysa baal, shacabkuna waxay gargaarka uga baahan yihiin maaha dalalka caalamka oo keliya, balse waxay uga baahan yihiin walaalahood iyo dalalka islaamka,” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti, wuxuu tagay intii aanu ka dhoofin Muqdisho safaaradda ay Jabuuti ku leedahay Muqdisho, halkaasoo uu ka sheegay in dalkiisa uu bisha soo socota keeni doono ciidammadii uu hore u ballan-qaaday.

Weftiga ka socday Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusii sagootiyay xubnaha dowladda ugu sarreeya oo uu ka mid yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Geelle uu ku yimi Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isaguna ka hadlay booqashada ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo oo uu uga mahadcelinayo shacabka, dowaldda iyo madaxda Jabuuti sida ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Geelle ayaa sheegay inay Muqdisho ugu dambeysay 1989-kii, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inay kusoo laabato sidii ay xilligaas ahayd, isagoo sheegay inay tahay magaalo aad u burbursan.