Madaxweyne Farmaajo oo natiijada wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku micneeyey Dib-u-soocelinta Midnimadii Dhicisowday

farmaajoMuqdisho (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa ujeeddada iyo natiijada laga filayo wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo dalkiisa ku tilmaamay sidii dib loogu soo celin lahaa midnimadii ka dhaxaysay labada dal.

Mr Farmaajo oo maanta ka hadlayey xuska munaasibadda 1-da July oo ahayd xilligii ay midoobeen Soomaaliya oo maalintan xoriyadda ka qaadatay Talyaaniga iyo Somaliland oo 26 June 1960-kii, munaasibaddaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxa uu sheega inay dib u furmayaan wada-hadallada labada dhinac, isla markaana natiijada laga filayaa tahay mid lagaga midho-dhalinayo dib u soo celinta midnimadii u dhaxaysay Soomaaliya iyo Somaliland.

HOOS FAAHFAAHINTA WARKAN IYO HADALKA MADAXWEYNE FARMAAJO