Madaxweyne dhaawac ka soo gaadhay Weerar Shabeel

Gaberone (SLpost)- Madaxweynaha dalka Botswana ayaa la sheegay inuu dhaawacyo wejiga ah soo gaadhsiiyey shabeel ka soo booday beer uu ku jiray, sida xukuumada dalkaasi sheegtay.

Afhayeenka madaxweynaha, Jeff Ramsay, ayaa sheegay in madaxweyne Ian Khama laba xagtimood ka gaadheen sanka, ka dib markuu la kulmay dhacdo uu ku tilmaamay, “shil yar-aan weerar ahayn”

imagesShabeelkan ayaa ku jiray beer ciidamada dalkaasi lahaayeen oo ku taal xaafada  Mogoditshane ee caasimadda Gaberone, waddanka Botswana ee Koonfurta Qaaradda Afrika

Ramsay ayaa sheegay in madaxweyne Khama, oo 60 jir ah, u tegay goobta inuu daawado shabeelka oo cunto la siinayey, ka dibna mid shabeeladii ah ayaa soo booday oo xagtimaha wejiga ka gaadhsiiyey siligii ay ku xidhnaayeey dushiisa. Madaxweynaha ayaa nin dheer ah.

“Madaxweynaha xagtimo yar ayaa ka gaadhay sanka iyo meelo kale, cidiyaha shabeelku wejigiisa ayey soo haabhaabteen.”

Somalilandpost.net