“Madaxweyne Dalka Waxa Jahawareerinaya Xamas Ka Sokeysa Ee Hadal Oo Arrimahan Dalka Ka Taagan Kaa Hadal Oo Aamusnaanta Iska Daa” Xildhibaan Aareeye

Hargeysa (SLpost)-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in aanu ka aamusin khilaafka ka taagan Tiyaatarka, ee uu ka hadalo, waxaanu sheegay inuu sharci daro lagu xidhay Ganacsade Cumar Caydiid oo uu tilmamay in aan xadhigiisa loo marin nidaamkii sharciga ahaa.

Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo Wargeyska Geeska Afrika u wareysi gaar ah siisay ayaa sidoo kale sheegay in khilaafka Tiyaatarka looga danleeyahay in carqalad lagu galiyo Diiwaangelinta si ay Diiwaangelintu dib ugu dhacdo, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Xukuumaddii ALLE ha u naxariiste Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo aan aniguna ka mid ahaa, ahaana Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka, ayaan isku dayey kana hawl-galay sidii dib loogu furi lahaa Tiyaatarka, madaama fanka aad loogu baahnaa, laakiin wakhtigi Daahir Rayaale ayaa Tiyaatarka la bixiyey, waxaana wakhtigaas Wasaaradda Dalxiiska iyo Dhaqanka Wasiir ka ahaa Cismaan Cali Bile, aniguna la taliyey ayaan u ahaa, wakhtigaas ayaa la siiyey Tiyaatarka Cumar Caydiid oo ah Ganacsade reer Somaliland iyo Ganacsade reer Jabuuti ah, sifo sharciya ayaa lagu siiyey, waa Ganacsade dalka maalgashaday, oo dalka wax ku soo kordhiyey, dhaqaalana galiyey, gardaro iyo sharci daro ayaa lagu xidhay, Dastuurka Somaliland waxa uu leeyahay qofka waa in 24-sacadood gudahood in lagu soo taago Maxkamada, lama soo taagin Maxkamad, waaran sharciya laguma xidhin, gardaro ayaa lagu xidhay, sharci daro ayaana u arkaa in meel baarkin ah lagu qabsado, oo markii hore ahaan jiray Meheradii Tiyaatarka, wax meesha qabtana maaha in la yidhaahdo isagana barkinkiisa ayaa lagu qabsanayaa, barkin dartiina dad dhan ayaa loo raraya, marka waxa aan leeyahay waa in xoriyadiisi loo soo celiyaa”.

Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu ka hadlaayey Madaxweyanaha iyo hantida qaranka ayaa yidhi “Madaxweyne wakhtigii aad mucaaradka ahayd, waxa aad odhan jiray kuna cel celin jirtay hantidii qaranka ayaa la lunsanaya, hantidii qaranka ayaa la musuqayaa, hantidii qaranka ayaa la boobayaa, maantana waa la arkayaa hantida qaranka ee Xukuumadaadu lunsatay, sharci darada ay u martay iyo xeerarka badan ee ay jabisay, waxaana waxaas oo dhan ka sii daran wareejinta iyo iibka Dugsiga Sheekh Bashiir ee la sheegayo inaad iibinaysaan, iibinta Xerada Birjeex oo la sheegay inaad iibinaysaan, markaas musuqa Xukuumaddaadu xadka wuu ka baxay, ee Madaxweyne dalka waxa jahaweerinaya xamas ka sokeysa ee hadal oo arrimahan dalka ka taagan ka hadal oo aamusnaanta iska da’aa, sida aan qabana warqadan dambe adiga kamay soo bixin ee waxa ay ka soo baxday xamasta ka sokeysa ee iyagu dalka Madaxweyne kama aha ee dalka iyo dadkaba ka qabo”.

Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta iyo carqalad lagu wado ayaa yidhi “Si carqalad loo galiyo Diiwaangelintu inay si xalaal ah u dhacdo, ayaa la yidhi dalka abaar baa ka jirta, markay taasi socon weyday ayaa haddana la isku dayey si qas loo abuuro in khilaaf laga dhaliyo Tiyaatarka, waxaana la doonayey in la isku dhufto beelo walaal ah oo labaduna wada dega Hargeysa, oo cid iskugu xiga”

Xigasho Geeska Afrika