Madaxweyne Biixi oo Ku Hal-qabsaday Dardaarankii Cigaal, Una Duceeyey Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo qaatay Dardaaran uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Jeediyey Labaatan Sanno ka Hor, waxaanu u Duceeyey Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta khudbad ka jeediyey munaasibadda Xuska 18-ka May oo ku qabsoontay fagaaraha xuska maalinta Qaranimada, waxa uu ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Waxa kale oo madaxweynuhu weedho waano iyo dhiirrigelin ah u jeediyey dhalinyarada Somaliland oo ugu baaqay inay u samraan geeddi-socodka dhismaha dowladnimada iyo ka-midho-dhalinta qadiyadda Aqoonsiga Somaliland, waxaanu tusaale ugu soo qaatay dar-daaran uu 20 sanno ka hor jeediyey madaxweynihii hore Allah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo mid ka mid ah khudbadihiisii u dambeeyey ku sheegay in Somaliland maalin uun gaadhi doonto horumarka ay ku tallaabsadeen dalalka caalamka ee horumaray.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka madaxweynaha