Madaxweyne Biixi oo Ka Digay Faro-gelin Shisheeye oo Xisbiyada iyo Ururrada Somaliland ku timaadda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad-sannadeedkiiisa dastuuriga ah ka jeediyey Goleyaasha Baarlamaanka, ayaa soo jeediyey in feejignaan dheeraad ah laga yeesho faro-gelin dibadeed oo ku timaadda ururrada iyo xisbiyada siyaasadda ee dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu soo jeediyey in dhaqaalaha ay helaan xisbiyada iyo ururradu aanu noqon mid ka yimaadda meel kale balse uu ku koobnaado gudaha Somaliland, waxaanu ka digay in gacmo shisheeye oo dano-gaar ah ka leh Somaliland ay saamayn ku yeeshaan Xisbiyada iyo ururrada siyaasadda Somaliland.

Madaxweynaha oo arrintan kaga hadlay Qodobka Shanaad ee Khudbaddiisa oo ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka, waxa uu yidhi, “Somaliland waxa lagu majeertaa Dimuqraadiyad iyo Doorashooyin xor iyo xalaal ah, taasina waxa ay innooga baahan tahay dhammaystirka tiirar aasaasi u ah, oo ay ugu horreeyaan In doorashooyinku ku qabsoomaan xilligii loo asteeyey;  In Xisbiyada Qaranka oo ah hilinka ay Muwaadiniintu u maraan xaqiijinta hankooda siyaasadeed ay noqdaan kuwo ku dhisan sharci, oo aan marna muddo dhaaf noqon, dhexdoodana ay ka muuqato dimuqraadiyad dhab ah oo ku dhisan mabaa’di iyo siyaasad cad oo qeexaysa qorshaha ay dalka ku horumarin karaan; In dhaqaalaha Xisbigu uu ka yimaado taageerayaasha Xisbiga ee gobol kasta, kana fogaadaan faro-gelin shisheeye.

Haddii faro-gelin shisheeye soo dhex-gasho Xisbiga, waxay khatar ku tahay Qarannimada dalkeena.

Sidaa darteed, waxa daruuri ah dhammaystirka doorashooyinka innoo hadhsan sida Furista Ururrada Siyaasadda oo la gaadhay wakhtigoodii iyo doorashada Madaxtooyada, si waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.