Madaxweyne Biixi oo Arrimaha Doorashada ka hadlay, Golaha Wakiillada-na cannaan u jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Xukuumaddiisu labadii sanadood ee la soo dhaafay wakhtiga ugu badan gelisay siday ay u walaalayn lahayn Bulshada, gaar ahaan beelaha dirirtu dhex marto.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta kulan la yeeshay isla-markaana khudbad u jeediyey Haweenka Xisbiga KULMIYE isla-markaana la kulmay kulan la yeeshay Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Afraad ee Xisbigaasi, ayaa sheegay in labadii sanadood ee la soo dhaafay wakhtiga ugu badan Xukuumaddiisu gelisay Walaalaynta Beelaha Dirirtu ku dhex marto.

Madaxweynaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Labadii Sanadood ee Dawladdu dhisnayd, waxaanu la halgamaynay oo wakhtiga intiisii badnayd ku baxday oo sax ah oo xooggeenii ku baxay in Dadkeenu Colaaddu dhexdooda tahay aynu is ogolaysiin iyo deegaamada isku dhacooda.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in Marka Madaxweynaha la doorto aanu Qof walba danihiisa gaarka ah ka raadsan, balse uu u fikiro si heer Qaran ah “Qofka marka la doorto waxaynu u baahan nahay inaynu si ballaadhan u wada fikirno. Maantana Dalku waa nabad, xuduudihiisa oo dhan waa nabad oo looga baqi maayo Cadow soo weerara oo Ciidan baa hor-taagan.”

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo “Haddii koox la doortay tidhaahdo dhici maayo oo intaan doonayaan joogayaa lagu heshiin maayo oo Dawlad ku noqon mayno oo waynu isku qabsanaynaa oo dib baynu ugu dhacaynaa. Maanta tii baa inna hor-taalla, ma dhacayso dimuqraadi baan ahay, Goluhuna dhaxal-buu ku soconayaa, Golaha Guurtida kuwii Mado-weyn lagu doortay ayaa jooga, waa 40 sano oo dhadhow, inankiisii baa dhaxlay, kii labaad dhaxlay, kumaynaan heshiin, halgankana umaynaan gelin in abuuro boqortooyo marba qof dhaxlo, wax walba waa doorasho, xilka mar baa lagu tijaabinayaa, wuu beddelayaa, ka xilka hayaana waa inuu aqbalaa, waa khasab, lala kala xishoon maayo, Qofku xilkii loo dhiibay waa inoo soo celiyaa. Golaheena Baarlamaanka waxaanu leenahay 15 Sano Xaq nooguma lihidin, 5 sano ayaanu idin dooranay, haddii aad wax wanaagsan qabateen waad ku ammaan tihiin, haddii aydaan wax wanaagsan qabana dhaliisha ayaad leedihiin, laakiin qaar kale ayaa la tijaabinayaa.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay “Dawladaha Hoose waa la mid ah, Madaxweyneyaashu waa la mid, waxaynu doonaynaa in wakhtigii la doortay wakhtigeedii la soo celiyo (Xilalka), si loo tijaabiyo kolba qof wanaagsan oo aanay fawdo dhicin. Labadaa Gole waa muddo dhaaf aan macquul ahayn, Dawladaha Hoose-na waa la mid,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Somalilandpost.net