Madaxweyne Biixi iyo Maayar Ciddin Oo isaga Markhaati kacay Sababta Berbera u noqotay Hormuudka Horumarka magaalooyinka Dalka

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  ayaa maanta xadhigga ka jaray mashaariic waddooyin iyo dhismeyaal isugu jira oo laga hirgeliyey gudaha magaalada magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

 

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu maamulka gobolka iyo Degmada Berbera ku ammaanay horumarka iyo mashaariicda kala duwan ee ay ka fuliyeen caasimadda Gobolka Saaxil, waxaanu sheegay inaanay jirin maaliyad dheeraad ah oo Dowladda Hoose ee Berbera dheertahay kabka dhaqaale ee la siiyo goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka kale ee dalka, balse waxa uu qiray in maamulkeedu dedaal dheeraad ah u galay sidii ay cashuuraha dadweynaha laga ururiyo ugu beddeli lahaayeen horumarinta adeegyada bulshada.

IMG_5124

Dhinaca kale Maayar Ciddin oo isaguna ka hadlay mid ka mid ah xafladaha daah-furka mashaariicda laga hirgeliyey magaalada Berbera, waxa uu sheegay inay shacabka degmada ka kasbadeen kalsooni ay wax-qabad ugu muujiyeen sidaa awgeedna ay shacabku u hureen bixinta cashuuraha, isagoo hadalkiisu u muuqday inay taasi tahay sababta ay kaga duwanaadeen magaalooyinka kale ee dalka dhinaca horumarka.

 

Haddaba Muuqaalkan Hoose ka Daawo Hadallada Madaxweynaha, maayar ciddin iyo masuuliyiin kale oo ka hadlay.