Madaxweyne Bashiir Oo Markale Si Aqlabiyad Ah Ugu Guulaystay Doorashada Suudaan

Khartuum, (SLP)- Guddida doorashooyinka ee dalka Suudaan ayaa sheegay in madaxweynaha dalkaas Cumar Xasan Al-bashiir uu ku guulaystay doorashadii dalkaa ka dhacday codadkii ay dadku bixiyeen 94%,

Mokhtar al-Assam, oo ah guddoomiyaha guddida doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada maanta oo Isniin ah.Sudan

Afar maalmood oo ay socotay doorashada dalka Suudaan, kana bilaabmayay 13 bishan April, waxa isu diiwaangeliyay ka qayb qaadashada doorashadaas in kabada 13 million oo qof, isla markaana ka codaynayay goobo tiradoodu dhan tahay 11,000 oo goobood, waxaana ugu badnaa goobahaas magaalada caasimadda aha ee Khartuum.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashir, ayaa xukunka kula wareegay af-gembi aanu dhiig ku daadan sannadkii 1989-kii, waxaanay muddadaas uu haystay xukunka dalka ay waddamada reer galbeedku ku eedeeyeen inuu gaystay xasuuq ka dhan ah dadka ku dhaqan gobolka Darfur ee dalkaas, waxaanay maxkamadda adduunka ee lagu magacaabo Hugue ay amartay in lasoo qabto, si sharciga loo mariyo, balse ilaa hadda waddan u hogaansamay ma jiro amarkaas Hugue.

Somalilandpost.net