Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo tirada Gobollada Somaliland ka dhigay 13 gobol

Somaliland regions mapHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa gobol Cusub ku soo kordhiyey tirada gobolladii hore u jiray oo tiradoodu ahayd 12 gobolka.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu gobol u magacaabay degmada Taleex ooh ore uga tirsanaan jiray gobolka Sool, waxaanu gobolkaas cusub ugu magac-daray XAYSIMO.

War-saxaafadeed lagu shaaciyey digreetada madaxweynuhu ku magacaabay gobolka oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2613/072014 ku magacaabay Gobolka Xaysimo magaalo badaxdiisuna tahay Taleex.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax ka beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey:            Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanada;

Markuu Dhegeystay:         Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Markuu Ku Qancay:           In maamulada loo dhaweeyo shacbiga oo hoos loo daadajiyo;

 

Wuxuu Go’aansaday;

In uu u magacaabo Gobolka Xaysimo oo magaalo Madax u tahay Taleex, oo ka koobnaan doona Degmada Sarmaanyo, Degmada Xalin, Degmada Carroolay iyo Degmada God-aalo.”

Gobolka XAYSIMO ee madaxweyne Siilaanyo magacaabay, ayaa tirada gobollada Somaliland ka dhigaysa 13 gobol, iyada oo Xukuumaddii hore ee madaxweyne Rayaale xilligii ay sii dhacaysay magacowday lix gobol oo ay ku dartay tirada Lixdii gobol ee hore u jiray.