Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya oo Ku Kulmay Waddanka Jabuuti iyo Ujeeddada Shir Berri loo ballansan yahay (SAWIRRO)

Jabuuti (SLpost)- Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaadhay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana labadooda kulan ballaadhan oo qado-sharaf ah ku qaabilay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay marti-qaad ka heleen.

DSC_0010Kulan balaadhan oo qado sharaf ah ayaa ka dhacay Hotel Kempinski, oo ay ku kulmeen Saddexda Madaxweyne ee Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Muumin.

Kulankan ayaa noqonaaya kulankii ugu horeeyey ee ay maanta isku arkaan saddexda madaxweyne iyadoo kulankan ka xigana la filaayo inuu si rasmiya u furidoono wada hadalka labada Dal ee Somaliland iyo Soomaaliya kuwada yeelan doonaan Dalka Jabuuti.

Maalinta Berri ah oo ballamay kulan dhexmara labada madaxweyne, ayaa  la filayaa inay arrimo badan oo kala duwan kaga wadahadli doonaan kulammada la sheegay inay dhex-mari doonaan, iyaga oo wararku intaas ku dariyaan in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh si gaar ah u kulmi doonaan inta ay ku sugan yihiin Jabuuti.

DSC_0016 DSC_0015 DSC_0012 DSC_0008 DSC_0007