Madaxweynayaal Saaxiibbo ahaa oo Maxkamaddayntoodu isku mar dhacayso

Qaahira (SLpost):-Madaxweynayaashii hore ee dalalka Masar iyo Faransiiska Maxamed Xusni Mubaarik iyo Jacques Chirac ayaa maanta oo isniin ah, ay isku mar bilaabmi doonaan dhagaysiga dacwado ka dhan ah, oo saacado isku dhow ka furmi doona, magaalooyinka Qaahira iyo Paris, kuwaas oo mid walba ay kaga socoto dacwado la xidhiidha intii uu talada dalkiisa hayay danbiyo uu galay.

Labada dacwadood ee labadan madaxweyne oo saaxiibtimo dheer lahaa sida dadka taariikha iyo xogaha madaxda dunida qoraa ku waramayaan, marka laga hadlayo intii xukunka ay isku soo gaadheen, ayaa si isku mid ay mid walba ay ugu socdaan eedo iyo dacwado meelo badan iska shaabaha, hasa yeeshee waxa si wayn u kala durugsan qaabka warbaahintu u tabinayso iyo sida rayul caamka dunidu ula kala socdaan.

Dhinaca kale haddii si qoto dheer hoos loogu daadego ayaanay hab xukunkoodi iyo sidii ay talada ku soo gaadheen aanay u ahayn kuwo isku mid iyo isku duruuf ah, tusaale ahaana, Madaxweyne Maxamed Xusni Mubaarik oo talada dalkiisa qabsaday sanadkii 1972-kii, ayaa xukunka ku helay qaab dhaxal u eg, oo suura gal u noqday, markii madaxweynihii uu ku xigeenka u ahaa ee dalkaas, Anwar Al-saadaad shirqool habaysan lagu dilay, ka dibna xukunka loo dhaariyay Maxamed Xusni Mubaarik.

Mr. Mubaarik wuxuu dalkiisa hogaaminayay muddo 32-sanadood ah, isagoo oo isticmaali jiray, hab xukun aad u adag oo aan isla xisaabtan iyo xoriyad lagu dhaliilaa jirin, hasa yeeshee madaxweyne Jacques Chirac wuxuu isagu xukunka ku soo gaadhay hab dumuqraadi ah oo dadku codkooda ku soo doorteen, waxa uu dalkiisa u talinayay intii u dhaxaysay 1997 ilaa 2007-dii.

Labadan nin waxay ahaayeen muddadii xukunka ay isku soo gaadheen saaxiibo aad isugu dhow marar badana yeesha shirar iyo kulamo midba ka kale ku casuumo, hasa yeeshee may filayn in kamaradihii soo gudbin jiray sawirada ay wada jirka u galaan marka midba mid kale soo dhawaynayo inay baahiyaan sawiradooda maxkamadaha iyo iyagoo mid walba ku jiro, goobta dacwaysanaha.

Madaxweynayaashii hore ee Faransiiska iyo Masar ayaa mid walba la keenaya maxkamadd isagoo aan caafimaadkiisu fiicnayn waxaana loo haystaa oo ay ku eedaysan yihiin arrimo dhacay intii ay xukunka hayeen, madaxweynaha Masar Maxamed Xusni Mubaarik isaga waxa loo haystaa oo uu ku eedaysan yahay inuu amray dilka dad mudaharaadayay, kuwaas oo ka mid ahaa kacdoonkii xilka inuu iska casilo horseeday, sidoo kale eedo musuq maasuq iyo lunsi lacageed ah oo uu ku kacay ayaan ka madhnayn eedaha loo haysto.

Jacques Chirac ayaa isna eedaha loo haysto ee maxkamadda maanta loo gaynayaa yihiin kuwo la xidhiidha musuq maasuq uu ku kacay xiligii uu magaalada Paris Maayarka ka ahaa oo uu xisbigiisa ugu ololeeyay. Si kastaba ha ahaatee sheekada xiisaha leh ee dacwadaha labadan masuul ee hore dalalkooda u xukumi jirtay ku jirta ayaa ah in mid walba la maxkamadaynayo xili uu xukunka ka degay, wallow aan la garan karayn ama aan la saadaalin karin sida ay caddaalad u heli doonaan.

Dhinaca warbaahinta iyo indhaha caalamka haddii laga eegana labadooda dacwadood aad ayay u kala saamayn badan tahay, oo waxa si wayn indhaha caalamku u hayaan maxkamadda qaadaysa dacwadaha ka dhanka ah Mubaarik, madaxweynihii hore ee dalka Masar, taas oo laba arrimood ka dhigayaan inay ta Chirac ka xasaasiyad badato, kuwaas oo kala ah, in Masar ay tahay dal aan xoriyada iyo maxkamaddaynta madaxda hore u arag oo aan looga baran dalkeeda, gobolka iyo qaarada ay ku taal intaba, sidoo kale waxa dacwada Mubaarik imanaysaa xili xukunka lagaga tuuray kacdoon dunida soo jiitay oo aan noociiso kale hore uga dhicin Afrika iyo Bariga dhexe midna.

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com