Madaxweynaha Yemen oo Dib ugu soo Laabtay Dalkiisa.

Madaxweynaha Yemen Cabdul Rabu Mansuur Haaddi, ayaa dib ugu soo laabtay dalka Yemen, kadib muddo lix bilood ah oo uu dalka ka maqnaa, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsani.

Haaddi, ayaa ka degay magaalada Cadan, isagoo ka soo duulay dalka Sacuudiga  oo uu ku noolaa lixdii bilood ee ugu dambeysay, kadib markii maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ku dhawaadeen inay qabsadaan magaalada Caden oo gabbaad u aheyd madaxweynaha.

Sidoo kale, toddobaadkii hore, xubnaha golaha dawladda Yemen, ayaa dib iyaguna ugu soo laabtay Yemen, kuwaas oo ka baxsaday maleshiyaadka Xuutiyiinta oo isku dayay inay ridaan dowladda. Xubnahan ayaa waxay ku noolaayeen dalka Sacuudiga, oo dagaal kula jira maleeshiyaadkaasi.

Hadda, ayay golahani ku shaqeyn doonaan magaalada Cadan, iyagoo shaqada ugu horeysana ay tahay sidii waddanka ay u xasilin lahaayeen.

Dhanka kale, xulafada dayaaradaha dagaalka ee Sacuudiga uu hoggaaminaayo, ayaa weerar ku qaaday goob deegaan ah oo caasimadda Yemen ah, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan labaatan ruux, sida ay sheegen saraakiil caafimaadka.