“Madaxweynaha warqad 15 bog ah baanu u qornay, ilaa immika waa 15 cisho, kamuu soo jawaabin” Sheekh Aadan Siiro

Sheekh Aadan Siiro Muxuu ka yidhi Dilkii Saraakiisha Ciidanka, fulin la’aanta Xukunnada Dilka iyo Dhibaatada ay Shacabka iyo ammanka ku hayaan Dhalinyarada Xaafadaha ka qawlaysata?Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaano dalka, ayaa sheegay in isaga iyo Guddiga uu ka mid yahay u qoreen madaxweyne Siilaanyo warqad ka kooban 15 bog oo ay kaga dalbanayaan sidii Caasimadda Hargeysa loogu samayn lahaa dhul laga sameeyo Qubuuro Cusub kaddib markii ay buuxsameen Xabaalaha Xeedho ee Woqooyiga Hargeysa.

Sheekh Aadan-Siiro oo la hadlayey dadweyne tiro badan oo ka qayb-galay Aas Qaran oo Sabtidii loo sameeyey Suldaan Xiis Barre oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa Jimcihii, waxa uu sheegay inaanu madaxweynuhu ka soo jawaabin qoraalkooda oo maalintii ay u gudbiyeen muddo 15 maalmood ahi ka soo wareegtay.

HALKAN KA DAAWO HADALKA SHEEKH AADAN SIIRO