Madaxweynaha Ukriene Iyo Raysalwasaare Ku-Xigeenka Ruushka Oo Dagaal Gacanta Isula Tegey, Iyo Putin Oo Si Jees Jees Ah Wasiirkiisa Ugula Taliyey In Aanu Naxariista Ka Tegin

Geneva (SLpost)-)- Dagaal gacan ka hadal ah ayaa dhex maray Madaxweynaha dalka Ukraine Petro Poroshenko iyo raysalwasaare ku-xigeenka Ruushka Yury Turtnev oo ka wada tirsanaa ergada sannadkan ka qayb-gashay shirka Madasha dhaqaalaha dunida ee Davos. Rabshad iyo buuq ayaa madasha hadheeyey, illaa heer ay qasab noqotay in ergadii kale ee shirka fadhiday oo uu ka mid yahay xoghaya guud ee Gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ay u sara kacaan kala jiidista labada hoggaamiye ee feedhka isu miciinsaday.

Labadan masuul ayaa fadhiyey kuraas isu dhow xilli ay ka wada qaybgaleen casuumad quraac ahayd oo loo sameeyey madaxda hoggaaminayey ergada dalalka dunida ee ka soo qaybgalay kulankan caalamiga ah oo sannad kasta 20kii illaa 23kii January ka dhaca tuulada loogu magac daray ee Davos, oo taas oo ku taalla bariga dalka Switzerland.

Munaasabaddan oo warbaahinta ka xidhnayd ayaa goobjoogaashu ay sheegeen in bilowgii ay sheekadu si nabad ah u socotay, laakiin cabbaar kadib uu hadalku ka taag-taagmay labadan masuul, taas oo aakhirkii keentay in madaxweyne Poroshenko iyo Raysalwasaare ku xigeenka Ruushka Turnev inta ay labadooda kursi iskaga soo boodeen oo kaladhka iyo dharka midba ka kale qabsado ay feedh isku miiseen.

Waxaa xusid mudan in raysalwasaare ku xigeenka Ruushka Yury Turtnev uu sida madaxweynihiisa Vladimir Putin jecel yahay ciyaarta Kaarateega oo uu maalin kasta tababar iyo diyaar-garow caado u ah sameeyo, kuna haysta shan sun oo horyaalnimo.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Alcarabiya ayaa bilowgii hore laga qariyey warbaahinta waxase uu soo baxay maalinti Arbacada ee toddobaadkii ina dhaafay, oo kulankii caadiga ahaa ee madaxweyne Vladimir iyo golaha xukuumadda Ruushka uu Putin si ku faanis ah u soo hadal qaaday dhacdadan.

Putin Inta uu ku luuqeeyey hees Afka Ruushka ah oo dalkiisa caan ka ah, midhaheedana ay ka mid yihiin, “Muruqyadaydii waaweynaa ayaan si aan ku talogal ahayn u muujiyey” kadib inta uu ku jeedsaday wasiirkiisa dagaalamay ayaa uu ka codsaday, in aanu heestaas jilin, isaga oo intaas ku sii daray, “Waxa aan kaa codsanayaa in aad intaas ka yara naxariis badnaato”

AWargeyska caanka ah ee Pravda oo faafiyey qaybo ka mid ah warkan uu Geeska Afrika turjumay ayaa isna sheegay in raysalwasaare ku xigeenka dagaallamay oo mar dambe arrintan ka halday ayaa isaga oo sharraxaya sida ay wax u dhaceen yidhi, “Waxaa igu dhacay weerar afka ah oo si qaawan ay igu soo qaadeen xoghayaha guud ee NATO iyo madaxweynaha Ukraine, aniguna keliya waxa aan si deggen ugu sharraxayey aragtida ay dadka Ruushku dhammaantood ka qabaan qadiyadda Ukraine” Laakiin Yury Turtnev, intaas kuma u joojin ee waxa uu hadalkiisa ku sii daray ereyo ku digasho iyo muruq sheegasho aanay ka madhnayn oo ay ka mid yihiin, “Waxa aan u sheegay in boqolkiiba 90 dadka Ruushka ee tiradoodu dhan tahay 146 Milyan ay suunka madow ee horyaalnimada ku haystaan dagaalka Kaarateega”

 Si kastaba ha ahaato ee, dhinaca dalka Ukraine iyo xoghayaha guud ee NATO oo ah ninka uu Putin ku-tiiq-tiiqsigiisa ugu duur-xulayey ayaa aan illaa hadda wax war ah ka soo saarin arrintan. Madaxweynaha Ukraine ayaa hadal uu jeediyey intuu uu kulanka DAVOS socday waxa uu xaqiray dhaqaalaha Ruushka oo uu sheegay in cuna-qabataynta la saaray ay dhaawac weyn gaadhsiisay, lacagtii Rushkuna si aad ah hoos ugu sii dhacday.
Xigasho Geeska Afrika