Madaxweynaha Turkiga oo soo bandhigay Caddaymo uu ku tirtiray Taariikh Reer Galbeedku Guusheeda ku faanaan

Ankara (SLpost)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dunida Islaamku uga horeysay Daah-furka Qaaradda Latin Ameerika waddamada reer Galbeedka oo sheegta inay taariikh ahaan ugu horeeyeen helitaanka qaaradda 300 sanno horteed, wakhtigaas oo sida ay sheegaan uu daah-furay sahamiyihii reer Spain ee lagu magacaabi jiray Christopher Columbus.

ReccepMadaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo Sabtidii todobaadkan ka hadlay shir-weyne uu ku marti-qaaday hoggaamiyeyaasha waddamada Muslimka ah ee qaaradda Latin Amerika, waxa uu sheegay in sahamiyeyaal Muslim ah heleen qaaradda Latin Amerika sannadki 1178-kii, Masaajid-na ka dhiseen Jasiiradda CUBA ee Latin Amerika isla markaana uu Christopher Columbus laftigiisu ku arkay masaajidkaas markii uu daah-furay qaaraddaas 1492-kii.

“Xidhiidhka ka dhexeeya Latin America iyo Dunida Islamku waxa uu bilaabmay qarnigii 12aad.Muslimiinta ayaa daah-furtay America sannadkii 1178-kii, muu ahayn Columbus ciddii u horeysay ee heshay,” sidaas waxa yidhi Madaxweyne Erdogan oo la hadlayey hoggaamiyeyaasha waddamada Muslinka ah ee Qaaradda Latin Amerika oo shirweyne uga furmay waddanka Turkiga.

“Sahamiyeyaal Muslimiin ah ayaa tagay America 1178-lkii. Columbus qudhiisu wuu sheegay jiritaanka masaajid ka dhisan meel buur ah oo ku taala xeebta Cuba,” ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan.

“Waxaan jeclaan lahaa inaanu kala hadlo walaaladayda Cuba oo Qiri doona Masaajidka ka dhisan goobtaas,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Turkiga.

Haseyeeshee, warbaahinta reer Galbeedka ayaa hadalka madaxweyne Erdogan u fasirtay qorshe uu xidhiidh kula samaysanayo waddamada Qaaradda Latin Amerika, iyaga oo taas daliil uga dhigtay inaanay jirin xusuus-qor uu Columbus diiwaankiisa taariikheed kaga tagay Masaajid uu ku arkay waddanka Cuba markii uu gaadhay jaziiraddaas bilowgii qarnigii 15aad.

SOMALILANDPOST.NET