Madaxweynaha Tansaanita oo Xilkii loo Dhaariyey

Madaxweynaha Cusub ee Tanzania, John Magufuli, ayaa loo dhaariyay xafiiska madaxtinimada khamiistii shalay, inkastoo weli uu muran ka taaganyahay doorashadii uu ku guuleystay ee dalkaasi ka qabsoontay 25kii bishii October ee la soo dhaafay.

Mr. Magufuli iyo  ku xigeenkiisa  Samia Suluhu Hassan oo noqotay, haweeneydii ugu horeeysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqota dalkaas, ayaa lagu hor dhaariyay dadweyne fara badan oo daawanayay – garoonka Uhuru Stadium ee caasimadda dalkaasi Tanzania ee, Dar es Salaam.

Khudbad gaaban oo uu jeediyay dhaarinta ka dib, ayaa Madaxweyne Magufuli waxa uu balan qaaday inuu howl adag u galayo sidii uu u fulin lahaa dhamaan waxyaabihii uu balanqaaday intii aan la dooran.

Magufuli ayaa sidoo kale ka codsaday dadka reer Tanzania inay midoobaan – isagoo sheegay inay dhamaantood wada guuleysteen maadaama doorashadu ay ku dhacday si nabdoon.