Madaxweynaha Taiwan oo Somaliland u ballan-qaaday Taageero Siyaasadeed iyo Mid Dhaqaale

Madaxweynaha Taiwan iyo Wakiilka Somaliland (Photo Courtesy CNA)

 

Nuxurka Arrimaha ay ka wada-hadleen Madaxweynaha Taiwan iyo Wakiilka Somaliland oo Qasriga Madaxtooyada lagu qaabilay

Taipei (SLpost)- Madaxweynaha dalka Taiwan Mrs Tsai Ing-wen, ayaa Isniinta maanta Qasriga madaxtooyada ee dalkaas ku qaabishay Wakiilka Somaliland u fadhiya caasimadda Taipei, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud oo ay wada yeesheen kulan dhowr saacadood qaatay, waxaanay rejo wanaagsan ka muujisay xidhiidhka labada dhinac ee mustaqbalka labada waddan.

Madaxweyne Tsai ayaa soo-dhawayn kaddib, waxa ay uga mahadcelisay taageerada Somaliland la garab-taagan tahay shacabka Taiwan. Waxa ay xustay in xidhiidhka dibloomasiyadeed ee u furmay Somaliland iyo Taiwan uu baal-dahab ka ciiyaari doono iskaashiga labada waddan.

Madaxweynaha Taiwan iyo Wakiilka Somaliland (Photo Courtesy CNA)

Sida Somalilandpost.net ka soo xigatay warbaahinta dalka Taiwan, madaxweynaha Taiwan iyo Wakiilka Somaliland, ayaa markii kulankoodu dhammaaday si wada-jir ah ula hadlay warbaahinta, waxaanay ka warbixiyeen waxyaabihii laga wada-hadlay.

Madaxweyne Tsai waxa ay sheegtay in saxaafadda dunidu u aqoonsatay Somaliland saaxiibka cusub Taiwan taasina u suurto-galisay shacabka reer Taiwan inay wax badan ka ogaadaan Dalka Somaliland. Waxa ay sheegtay in Danjire Maxamed Xaaji uu u fududeeyey Shacabka reer Taiwan inay wax badan ka ogaadaan Somaliland, isla markaana uu ka caawiyey labada dowladood iyo shirkadaha ganacsiga inay raadiyaan fursado badan oo ay iska kaashan karaan.

Madaxweynaha dalka Taiwan waxa ay tilmaantay muhiimadda istaraatajiyadda ee ay leedahay bogcadda ay Somaliland kaga taallo Bariga Afrika oo ay tilmaantay inuu la mid tahay gobolka uu ku yaallo dalkeeda Taiwan, kuwaas oo ay xustay inay mudan tahay sidii looga faa’idaysan lahaa muhiimaddooda. Waxay sheegtay inay rumeysan tahay iskaashiga dhow ee labada dhinac inuu leeyahay faa’iidooyin badan oo horumarku ka mid yahay.

Waxay sheegtay inay labada waddan ay hore isaga kaashadeen dhinacyada daryeelka caafimaadka, waxbarashada, iyo bad-qabka isu-socodka ganacsiga dhinaca badda. Madaxweyne Tsai waxa ay intaas ku dartay in mustaqbalka la bilaabi doono hirgelinta mashaariic iskaashi oo kala duwan si loo xoojiyo saaxiibtinimada labada shacab.

Waxa ay xustay in dalkeedu diyaar u yahay hirgelinta qorshe saaxiibtinimo oo ay labada waddan isaga kaashanayaan sidii ay siyaasad ahaan isaga taageeri lahaayeen fagaarayaasha caalamka.

“Iyadoo laga duulayo dadaallada wadajirka ah, waxaanu noqon karnaa saaxiibo dhow oo si wada jir ah iskaga taageeri kara saaxadda caalami,” Sidaas ayey tidhi Madaxweynaha Taiwan.

Madaxweynaha Taiwan iyo Wakiilka Somaliland (Photo Courtesy CNA)

Waxa kale oo ay xustay in Somaliland ay tusaale u tahay dimuqraadiyadda Qaaradda Afrika isla markaana ay sida Taiwan si joogto ah uga shaqaysay ka midho-dhalinta hadafkeeda. Tsai ayaa tilmaantay sida ay ugu rejo-weyn tahay inay si habsami ah uga qabsoomaanta Somaliland Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee loo muddeeyey inay qabsoomaan bisha May ee sannadka 2021-ka.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Taiwan, waxa ay sheegtay inay rajeyneyso in labada dal ay wadaagaan waaya aragnimadooda dimoqraadiyadeed iyo horumarinta Danaha guud. Waxay xustay inay jeclaan lahayd inay aragto Taiwan iyo Somaliland oo noqda laba waddan oo maba’dooda ku adag oo dhinacyo badan iska kaashada.

Wakiilka Somaliland ee dalka Taiwan, Danjire Maxamed Xaaji oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa uga mahad-celiyey dowladda iyo Shacabka reer Taiwan soo-dhawaynta ay ku qaabileen.

Wuxuu sheegay in Somaliland 30-kii sano ee la soo dhaafay ay ahayd tusaale lagaga daydo hannaanka dimuqraadiyadda.  Waxa kale oo uu xusay in Somaliland ay hanatay guulo badan oo lagu faani karo oo ay ka mid tahay marti galinta qaxooti badan oo ka yimid dalalka Soomaaliya, Yemen, Syria iyo dalal kale. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay iskaashi la leedahay saaxiibbo beesha Caalamka ka tirsan oo ay ka wada-shaqeeyaan dhinacyada ka hortagga hubka sharci-darrada ah iyo Tahriibinta dadka.

Danjire Maxamed Xaaji, waxa uu xusay in heshiiska iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan uu salka ku hayo arrimo badan oo labada waddan wadaagaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta dimuqraadiyadda iyo madax-bannaanida ay labada dal u halgamayaan.

Wakiilka waxa uu cadeeyay in Somaliland ay sii wadi doonto xoojinta xidhiidhka ku dhisan ilaalinta danaha guud ee labada waddan oo looga wada faa’idaysto dhinacyo badan iyo sidoo kale kobcinta iskaashiga dhaqaale ee ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee Taiwan Maxamed Xaaji (Photo Courtesy CNA)

Danjiruhu waxa uu xusay fursado maalgeshi oo Shirkadaha iyo maal-qabeennada dalka Taiwan ka heli karaan Somaliland. “Maalgashadayaasha Taiwan waa lagu soo dhaweynayaa inay eegaan awooda ganacsi ee qaybaha Somaliland sida isgaadhsiinta, maaliyadda, dhaqaalaha, kalluumeysiga, beeraha, dhismaha, tamarta, macdanta iyo warshadaha.” Sidaas ayuu yidhi Wakiilka Somaliland ee Taiwan.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Safiirka, ayaa noqonaya kulankii labaad ee Wakiilka Somaliland la yeesho madaxda dalka Taiwan tan iyo markii xadhigga laga jaray Xafiiska Somaliland ka furatay magaalada Taipei ee caasimadda dalka Taiwan bishii September ee sannadkan.

Bishii February ee sannadkan, ayaa Taiwan iyo Somaliland kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo suurto-galiyey in labada dhinacba ay xafiisyo dibloomasiyadeed ka kala furteen caasimadaha Hargeysa iyo Taipei. Dalka Taiwan, ayaa xafiiskoodii u horreyey ka furtay Somaliland 17-kii Aug 2020, halka Somaliland xafiiskeeda ka furtay dalkaas 9-kii September ee sannadkdan 2020-ka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net