Madaxweynaha Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Marxuum XAAJI IBRAAHIM CABDILAAHI (X. DOOL) iyo MARXUUM ENG. CISMAAN DAAHIR CAABBI

Hargeysa, 19 January, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Culimada Dalka, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Guddida Wanaag farista iyo Xumaan-ka reebida MARXUUM XAAJI CABDILAAHI IBRAAHIN (XAAJI DOOL) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

MARXUUMKU waxa uu ka mid ahaa Culimada waa weyn ee Dalka, bulshada dhexdeedana xurmo iyo tixgelin badan ku lahaa.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Culimada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Sidoo kale, waxa uu madaxweyne Siilaanyo Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timi MARXUUM ENG. CISMAAN DAAHIR CAABBI oo ka mid ahaa Rukumadii wasaaradda warfaafinta, oo shalay ku geeriyooday dalka Jabuuti.

Madaxweyne, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waxa uu illaahay uga baryayaa,  inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo MARXUUM CISMAAN DAAHIR CAABBI, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, Bahda Saxaafada, wasaaradda warfaafinta ee uu mudada dheer ka midka ahaa Farsamayaqaanadii Hormoodka u ahaa Idaacada Radio Hargeysa, iyo Guud ahaan shacbiga reer somaliland ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

AAMIIN……………………………………..AAMIIN………………………………….AAMIIN