Madaxweynaha Somaliland oo Xil u magacaabay Maayar ku-xigeenkii hore ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu ku magacaabay Maayar-ku-xigeenkii hore ee magaalada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cabdicasiis Cagaweyne).

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Cabdicasiis Cagaweyne u magacaabay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wareegtada madaxweynaha oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-805/012022, ayaa u qornayd sidan:- “UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay:                Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:                Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan Arkay:                Qodobka 18aad iyo Qodobka 21aad ee Xeerka Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 82/2018;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyay;

In Cabdicasiis Maxamed Xaashi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi wareegtadiisa.

Cabdicasiis Maxamed Xaashi, ayaa markii u horeysay saaxadda siyaasadda ku soo biiray sannadkii 2012-kii oo uu ku soo baxay doorashadii Goleyaasha deegaanka, xilligaas oo uu noqday maayar ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, isagoo xilkaas hayay ilaa bishii May 2021-kii oo ahayd wakhtigii la doortay Golaha deegaanka ee xilligan jooga.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net